crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Qaabkee ayay Qabiilka Ayaidah ku gartaan Beenaalaha?! | HimiloNetwork

Qaabkee ayay Qabiilka Ayaidah ku gartaan Beenaalaha?!

MUQDISHO (Himilonetwork) — The Ayaidah, oo ah qabiilka Bedouin ee dega waqooyi-bari dalka Masar waa kuwii ugu danbeeyey ee wali ku dhaqmaya  Bisha’h oo ah hab-dhaqan hore oo lagu ogaado haddii eedeysanaha danbiga lagu soo oogay uu yahay danbiile ama dabilaawe.
Waxay tani ku imaaneysa in qofku qaando kulul oo dabka laga soo qaaday uu ku hor leefo doqayda hortooda. Haddii carrabku uu gubto, danbiga lagu soo oogay waa sax oo waa danbiile. Haddiise uusan ku guban, waa danbilaawe.
Dhaqanka oo la rumeysan yahay inuu kasoo jeedo ilbaxnimadii hore ee xadaaradda Mesopotamia, Bisha’h waxaa inta badan adeegsada qabiilka Bedouin. Caada-dhaqameedkan waxaa kol hore laga mamnuucay dalalka Jordan iyo Sucuudiga, hayeeshe, in kasta oo culimada diinta ay ku tilmaameen mid aan Islaamku ogoleyn, wali wuxuu kusii danbeyaa gudaha dalka Masar.
Waxaa loo tix-geliyaa habka ugu qadiimsan oo lagu soo saaro xaqiiqada laguna daah-rogo sirta qarsoon. Inta badan Bisha’h waxaa la adeegsadaa marka qalad la sameeyey aan loo heynin wax marqaati ah ama caddeymo ah.
La-tuhunsanaha waxaa laga rabaa inuu qaando kulul ku hor leefo odayaasha degaanka si loo ogaado inuu danbiile yahay iyo in kale.
Fikradda ka danbeysa hab-dhaqankan ayaa lagu tilmaamay mid fududeyneysa in qofka beenta sheegaya uu afkiisa engegaya ka gubi doono kuleylka qaandada marka uu mariyo carrabkiisa. Haddii uusan aheyn beenaale, dheecaanadda kasoo baxa qanjirada afka ayaa carrabka ka ilaalinaya inuu ku gubto qaandada kulul ee la leefsiinayo.
Hayeeshe, waxaa muuqata in – xittaa haddii uusan qofku aheyn beenaale – uu ku waxyeeloobayo kuleylka qaandada uu carrabkiisa ku leefayo. Bisha’h waa tallaabta ugu danbeysa oo loo adeegsado in lagu kala saaro arrin isku cakiran oo aan caddeymo iyo marqaati nool loo heynin.
Waxaa sidoo kale loogu tala-galay in lagu cabsi-geliyo la-tuhunsanaha si uu qaladkiisa ku qirto.
Haddii qofku ka garaabo qaladkiisa, madhacdo aalaaba in la adeegsado Bisha’h. Balse tallaabtan danbe ayaa sidoo kale loo arkaa mid eedeysanaha uu mararka qaar kaga joogsanayo inuu qaando kulul carrabkiisa ku leefo. Sidaasna uu ku qaadanayo qalad uusan gelin.
Caadiyan qabashada Bisha’h waxaa lagu sameeyaa madal furan oo ay goobjoog u wada yihiin dhibanaha ama dacwad-oogaha iyo eedeysanaha danbi lagu soo oogay.
Qolada sida gaarka ah u qabata Bisha’h waxaa la yiraahdaa Mubesha. Haddii eedeysanaha ama la-tuhunsanaha uu diido inuu leefo qaandada kulul, waxaa loo tix-geliyaa danbiile.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!