crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maxaad ka taqaan Kulan-diimeedka Sannadlaha ah ee Bishwa Ijtema?! | HimiloNetwork

Maxaad ka taqaan Kulan-diimeedka Sannadlaha ah ee Bishwa Ijtema?!

DHAKA (Himilonetwork) — Boqollaal kun oo Muslimiin ah ayaa ku kulma daanta webiga Turag ee duleedka caasimadda Bangladesh ee Dhakka – isku imaatin lagu tilmaamo midka labaad ee ugu weyn dunida kaddib Xajka oo la yiraahdo Bishwa Ijtema.
Ijtema waxaa qudbado dheerdheer ka jeediya culumada dalka Bangladesh. Waxaana uu socdaa muddo saddex maalin oo xiriir ah.
Balse si loo dhimo mugga tirada badan oo isku soo baxaysa isku-imaatinka Ijtema, sannadkii 2012-ka waxaa la jideeyey in laga dhigo laba weji oo maalmo kooban loo dhaxaysiinayo qabashadooda. Waxaana uu soconayaa 19-ka ilaa 21-ka bisha Janaayo.
Dowladda Bangladesh ayaa kumaankun ciidamada amniga ah kusoo daad-gureysa halka lagu qabanayo isu-imaatinka si loo hubsado ammaanka iyo kala socodka dadweynaha.
Kulan-sannadeedka Bishwa Ijtema ama World Muslim Congregation waa midka labaad ee ugu weyn isku imaatinka Muslimiinta kaddib Xajka – halkaas oo Muslimiin ka kala socta dunida kale ay isku yimaadaan si ay u dhageystaan muxaadarooyinka culimada muddo ku siman saddex maalmood.
Dhacdadan sannadlaha ah waxaa soo qaban-qaabiya Ururka Tablig-e-Jamaat, oo ah Xisbi aan siyaasi aheyn oo ka dhisan dalka Bangladesh. Waxayna Muslimiinta ugu yeeraan inay ku dhaqmaan Sunnada Suubaha NNKH iyo dhaqanka Islaamka.
Isku imaatinkan waxaa markiisii ugu horreysay lagu qabtay Masjidka weyn ee  Kakrail sannadkii 1964-kii.
Tix-gelinta tirada badan ee kusoo biiraysa isku imaantinka, waxaa la qaatay in lagu qabto jinka webiga Turag ee degmada Tongi sannadkii 1966-kii.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!