Saleh oo rumeynaya riyada taageere Liverpool oo indhoole ah.
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
December 29, 2018
459 Views
LONDON (Himilonetwork) — Xiddiga Muslimka ah, Mohammed Saleh ayaa rumeeyey riyada taageere 26-jir indhoole ah oo kooxdiisa Liverpool taageerayay taniyo carruurnimada – isaga oo ku marti-qaaday xerada tababbarka kooxda Anfield.
“Qof walba wuxuu ii ahaa soo dhaweeye diirran,” ayuu yiri Mike Kearney isaga oo la hadlaya BBC Sport.
Toddobaadkii hore, Kearney ayay qabatay shaashadda isaga oo u dabaal-degaya gool uu dhaliyay laacibka Mohammed Saleh. Laacibkan oo muuqaalka 26-jirkan aragga la’ ka daawaday baraha bulshada ayaa weydiistay haddii uu la kulmi karo.
Waana kolkii Kearney uu naftiisa ka dhex helay xerada ay ku tababbartaan ciyaartoyda Liverpool – isaga oo helay funaanadda laacibka Saleh.
Saleh ilaa iyo hadda waxaa la dhihi karaa waa laacibka ugu weyn dunida Muslimka ee ka ciyaara horyaallada Yurub.
Warbixin ay soo saartay hey’adda kahortagga takoorta kubadda cagta ee Fare ayaa sheegtay in Saleh uu hoos u dhigay heerka Islaam naceybka oo ay la kulmaan Muslimiinta UK ku nool.
Related
2018-12-29
You must log in to post a comment.