Qoys Muslim ah oo Qarni ka badan ilaaliya Kaniisad ku dhex taal Xaafaddooda!
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
December 29, 2018
409 Views
LAHORE (Himilonetwork) — 100-kii sano ee lasoo dhaafay, qoyska reer Waheed Murad waxay ilaalinayaan kaniisad yar oo ku taalla xaafadooda – iyaga oo hubsada in gudaheeda sidoo kale ay noqoto mid had iyo jeer nadiif ah.
Iyaga oo ku nool xaafad ka fog magaalada, waxay awoodeen inay dhowraariyaan jiritaanka kaniisadda oo ay ku dhex cibaadeystaan tira-yar oo xaafadda kula nool.
Waheed kaligiis wuxuu kaniisaddan ilaalinayaa muddo 17 sanno ah; halka aabihiis iyo awowgiisna ay kala ilaalin jireen 45 iyo 35 sanno.
Balse qoyskan Muslimka ah ma ahan kuwa kaliya ee daryeel u fidiya kaniisadaha ku dhex yaal degaannadooda.
Gudaha dhulka Falastiin, qoyska Joudeh waxay ilaalinayaan kaniisadda Holy Sepulcher oo ku taalla magaalada Jeruslam. Taniyo markii Geesigii Muslimiinta, Salaaxu-diin al-Ayuubi uu qabsaday magaalada Qudus, qoyska ayaa gacanta ku dhigay furaha kaniisadda oo muran badan ka dhex dhalisay madaahibta kala duwan ee diinta Masiixiyadda waagaas.
Waxaana qoyska uu jiilba jiil ka dhaxlayaa ilaalinta iyo daryeelka kaniisaddan oo muhiimad diimeed ay siiyaan Masiixiyiinta.
Islaamka ayaa ah diinta ugu ballaaran ee dunida maanta laga raacsan yahay. Waxaana kusoo xiga Masiixiyadda oo muddo badan soo aheyd horyaalka diimaha dunida laga aaminsan yahay.
Related
2018-12-29
You must log in to post a comment.