Denmark oo qaadashada Sharciga ku xiraysa in la is-gacan-qaado ‘salaamo’!
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
December 29, 2018
405 Views
COPENHAGEN (Himilonetwork) — Tallaab loo arkay in lagu bartilmaameedsanayo tira-yarta Muslimiinta ah ee la nool, Denmark ayaa hindise-sharciyeed la xiriira in qofka qaadanaya sharciga dalka uu gacan-qaado ‘salaamo’ saraakiisha waaxda socdaalka.
“Waxay kasoo horjeeda aragtida shaqsiga ah in qofka lagu qasbo inuu xiriir jireed la sameeyso qof kale,” ayuu yiri Thomas Andresen, oo ah maayarka magaalada Aabenraa.
Hindisahan oo meeriskiisa la marin doono barlamaanka bisha soo aadan waxaa ayiday garyaqaan Martin Henriksen oo katirsan garabka midig ee Xisbiga DPP.
“Haddii aad soo gasho Denmark oo dhaqankeedu yahay in gacmaha la isku salaamo, waa inaad ku dhaqantaa,” ayuu yiri. “Haddii aadan awoodi karin la-qabsiga dhaqankeenna, waa inaad isaga tagtaa dalkeenna.”
Hindise-sharciyeedkani ma ahan kii ugu horreeyey ee lagu bartilmaameedsado soo-galootiga u badan Muslimiinta.
Waxay aheyd dhawaantan markii indha-shareerka laga mamnuucay in lagu xirto goobaha dadweynaha.
Mana ahan sidoo kale markii ugu horreysay oo doodda la xiriirta gacan-qaadka ‘salaanta’ anjabiga ay ka dhalato qaaradda Yurub.
Kol hore dalka Sweden waxaa gabar laga fiijiyay shaqadeeda markii ay diiday inay salaanto mudanaha shirkadda. Gadaal danbe ayaase la siiyay magdhow iyo raali-gelin.
Related
2018-12-29
You must log in to post a comment.