Marka Afadu Rabto Inay Tijaabiso Jaceylka Seygeedu u qabo Carruurtooda!
Posted by: Himilo
in Wararka
December 19, 2018
399 Views
MUQDISHO (Himilonetwork) — Haweeney Shiinees ah ayaa lagu soo warramayaa inay ka been sheegtay afduubka wiilkeeda 11-jirka ah si ay u tijaabiso haddii seygeedu uu la walwali doono iyo in kale!
Hooyada wiilka oo 33-jir ah laguna magacaabo Chen ayaa booliska Yueqing u gudbisay warqad anbad ah oo ay ku sheegeyso in inankeedii uu Ka maqan yahay. Waxay u sheegtay in markii ugu war danbeysay inankeeda ay ku ogeyd iskuulka meel u dhow. Kiiska maqnaanshaha inankeeda waxaa la siiyay mudnaan xad dhaaf ah waxaana baadi-goob aan yareyn loo galay sidii lagu soo heli lahaa.
Afduubka ay sheegtay in wiilkeeda lagu watay wuxuu soo jiitay indhaha qaranka Shiinaha oo dhan maadaama la dul-dhigay baadi-fur dhan 500,000 yuan ($72,000) in la siin doono qofkii keena. Qoraallo laga sameeyey afduubkiisa ayaa sidoo kale la aqristay in ka badan malyan jeer. Laakiin sheekadu waxay isku rogtay geesta kale, maadaama la sheegay in wiilku uusan maqneyn, taas beddelkeedana uu ku jiro gacan nabdoon.
Shan maalin oo lagu jiray baadigoobka wiilkan, booliska ayaa sidoo kale qabay shaki ah in hooyadani aysan run ka sheegin xaaladda dhabta ah. Muuqaalka CCTV ayaa duubay in yar kahor hooyada oo inta aanay soo galin sal-dhigga booliska wiilkeeda kasoo dejinaysa gaarigeeda siina saareysa gaari kale.
Markii kaamiradu daba-raacday gaariga uu wiilkeedu raacay, xoogagga amaanka ayaa gaaray xaafadda Yueqing oo wiilkeeda Huang ku sugan yahay.
Chen waxaa loo taxaabay xabsiga, waxaana lagu helay danbi ah been-abuurasho halis leh. Balse la-yaab sunniyaha lala taago wuxuu noqday markii, sida boolisku sheegay, ay haweeneydan sheegtay in falkan ay u sameysay si ay u tijaabiso jaceylka uu seygeedu u qabo iyada iyo cunugeeda maadaama dhawaanahan uu muran ka dhex taagnaa.
Aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sheekada haweeneydan ayaa la isku dhaafsaday baraha bulshada kuwaas oo u badan canbaareyn. Qaar ayaa waliba soo jeediyay in loo ciqaabo falkan ka baxsan kaftan-dhablaha ee gilgilay laabaha muwaadiniinta Shiinaha.
Afduubku waa arrin xasaasi ka ah gudaha Shiinaha oo 70,000 oo carruur ah sannad walba inta la qafaasho kaddibna suuqyada lagu kala iibsado. In yar oo kamid ah carruurta la afduubto ayaa lasoo samata-bixiyaa.
Marka in si fudud ay haweeneydan ku tiraahdo ‘cunugeygii ayaa la iga afduubtay waxay in badan ku tilmaameen mid aan la aqbali karin’.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Related
2018-12-19
You must log in to post a comment.