crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney – si ay ku ogaato qaabka wax loo dhaco – shaqaaleysiinaya tuugo xirfadlayaal ah! | HimiloNetwork

Haweeney – si ay ku ogaato qaabka wax loo dhaco – shaqaaleysiinaya tuugo xirfadlayaal ah!

LONDON (Himilonetwork) — Milkiilaha dukaan dharka lagu iibiyo oo ku yaalla London ayaa – si ay uga hortagto xatooyada – sameynaysa fal cajiib leh. Haweeneydan oo diiday in la magac-dhebo ayaa doonaysa xirfadlayaal tuuganimada xariif ku ah inay yimaadaan rugteeda kaddibna wax ka dhacaan. Dabadeed waxay u sheegayaan sidii ay ku dhaceen. Waxayna isku dayaysaa inay ka hortagto – iyada oo wax ku qaadaneysa tusaalahooda.
Shaqadan oo lagu daabacay Bark.com ayaa durba halhaleel ugu baahday baraha bulshada. Tuugada waxaa la siinaya lacag dhan £50 ($64) saacaddiiba si ay dukaankeeda wax uga dhacaan, waxaana laga rabaa inay dib usoo celiyaan hantida ay – qaabka tijaabada ah – ku xadaan.
Musharraxiinta isku soo diiwaan-geliya shaqadan waxaa laga rabaa in waqtiyo kala duwan ay yimaadaan rugteeda, kaddibna ay soo gudbiyaan warbixin la xiriirta qaababkii ay wax uga xadeen rugta iyo waddooyinkii u sahlay inay wax dhacaan.
Tani ayaa timid kaddib markii ay qadyaan ka istaagtay sannado badan oo loo soo dhacay dukaankeeda kaddibna lagala baxay lacag adag iyo hanti kale.
Xirfadlayaasha shaqadan iska diiwaan-gelinaya waxaa laga rabaa inay buuxiyaan shuruudaha ay rabto in loo maro qaadashadeeda.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!