MUQDISHO (HN) — 9-ka bisha September waxay ku asteysan tahay Maalinta Caalamiga ah ee ka Ilaalinta Goobaha Wax-barashada in la weeraro. Maalin lagu dhisay qaraaro loo dhan yahay oo Kal-fadhiga Guud ee QM ayu wadajir u gaareen. Aqoonsashada muhiimadda ay leedahay sare-u-qaadista wacyiga baahida weyn ee loo qabo dhowraarinta goobaha wax-barashada iyo in laga ilaaliyo weerarada, Qaraarka ayaa dhigaya in ...
Read More »Monthly Archives: September 2021
100 sano jirkii – si aanay Jamaacadu u dhaafin – u qaatay Tallaalka Covid-19.
MUQDISHO (HN) — Markii 101 sano jirka Malaysia u dhashay ee Che Ismail uu ogaaday in tallaal oo kaliya kaga xiran tahay inuu joogteeyo jamaacada masjidka, mar labaad kama fakirin mana diidin marnaba. Ismail oo ay wehliyaan inankiisa Mohd Jailani Harun oo laba wiil oo uu awoowe u yahay, waxay yimaadeen xarunta laga bixiyo tallaalka ee Kuala Nerus ee degmada Terrenganu. ...
Read More »Sonam Chaudhry oo isaga hartay jilidda aflaamta.
MUQDISHO (HN) — Gu’yaalihii lasoo dhaafay, dhowr jilayaal ayaa isaga tagay mihnadda aflaam sameynta iyo madadaalada iyaga oo – ama qaadanaya diinta Islaamka – ama doonaya inay Ilaahay usoo noqdaan. Sanam Chaudhry waxay kamid noqotay kuwii ugu dambeeyey ee go’aan geesinimo ka qaata isaga haridda aflaamta iyada oo maalintii ay ku beegneyd dhalashadeeda ku dhawaaqday inay Islaam-nimadeeda usoo laabatay. Jilaagan ...
Read More »Uzbekistan oo oggolaanaysa xirashada Xijaabka.
MUQDISHO (HN) — Gabdhaha Muslimaadka ee dalka Uzbekistan waxaa ugu dambeyntii loo oggolaaday inay xiran karaan xijaabka kaddib kolkii dowladdu ay laashay sharcigii adkaa ee la dul dhigay. Hadda Gabadha Muslimadda ah waxay aadi kartaa iskuulkeeda – iyada oo huwan xijaabkeeda. Wasiirka Wax-barashada, Sherzod Shermatov ayaa sheegay in tallaabtani ay jawaab u tahay baaq uga yimid shacabka. Wasiirku ma aanu ...
Read More »Haweeney xiriir adag oo ay la yeelatay Daanyeer looga mamnuucay Carwo Duurjoog!
MUQDISHO (HN) — Adie Timmermans oo 38 jir ah waxaa laga mamnuucay inay xiriir dhow la sameyso Daanyeer ku jira carwada duurjoogta madaama la arkay inuu aad u daneynayo xiriirka bani-aadanka in ka badan noolaha ku qoyska ah. Xubnaha qoyska Daanyeerada ee kula jira carwada ayaana gaar u bixin iyo takoor ku bilaabay iyaga oo ka maseyrsan jaceylka ay gabadhani siinayso. ...
Read More »Haweeney aan seexan muddo 40 sano ah.
MUQDISHO (HN) — Dadka qaar waxaa ku adag inay shaqeeyaan haddii aanay helin hurdo ku filan habeenkii, laakiin haweeney ku nool Shiinaha ayaa hadda sheeganaysa inaysan hurdin muddo 40 sano ah – xattaa aysan dareemin gamaanyo ama lulmo. Li Zhanying, oo 40 jir ah kuna nool Henan waxay sheegasho lagu xaqiijiyay marqaatiga qoyskeeda iyo deriskeeda ku tilmaantay inaysan marna hurdin ...
Read More »Maalinta Caalamiga ee Aqriska-Qoraalka.
MUQDISHO (HN) — Maalinta Caalamiga ah ee Aqris-Qoraalka waxaa loo dabaal-degaa September 8 sannad kasta si sare loogu dhigo wacyiga iyo baraarugga dhibaatada jahliga oo wali si weyn uga dhex jira bulshooyinka iyo dunida si guud. Maalintani waxay fursad dib u eegis iyo qiimeyn ahi u tahay sida wax-ku-oolnimada leh ee loo horumarin karo tabaha iyo habaha wax-baridda si mar ...
Read More »Waxay ku dul timid Seygeeda oo Naag kale guursanaya!
MUQDISHO (HN) — Haweeneydan iyo ilmaheedu uma soo aadin kaniisadda inay ku dhex cibaadaystaan, waxay usoo baxday inay hubiso arrin qarracan iyo lama filaan ku noqon doonta. Waana inay ka marqaati noqoto seygeeda oo ogaal la’aanteed guursanaya naag labaad. Ugu dambeyntii runta ayay ku indha-qaaday. Waa dhab waa caruus iyo caruusaddii. Waana ninkeeda midka balan kale oo qoran la galaya ...
Read More »La kulan – Halyayga u go’ay Tarbiyada Ilmaha yaryar.
MUQDISHO (HN) — Ma ahan carruur uu aabbe iyo adeer toona u yahay. Mana ka ahan waardiye goobta ay joogaan. Ugamana sokeeyaan derisnimo. Sidaas oo ay tahay, haddana, Efaliste wuxuu 23-kii sano ee lasoo dhaafay uu noloshiisa u huray barbaarintooda iyo inuu ku koriyo hab dhaqan suuban oo ay kula dhex noolaadaan bulshadooda marka ay weynaadaan. Sannadkii 1998-kii, maalin isaga ...
Read More »Ubang – Xaafadda laba af ay ku kala hadlaan Ragga iyo Dumarka.
MUQDISHO (HN) — Waxay yiraahdeen dumarku waxay ka yimaadeen meeraha Venus – raguna meeraha Maaris mana jirto meel sidaas u kala saari karta oo aan ka ahayn xaafadda Ubang oo ah tuulo beesha degan ay lab iyo dhedigta ku wada dhaqan ku kala hadlaan afafkooda gaarka ah. Way adag tahay inaad aaminto in dad meel qura kusoo wada koray ay ...
Read More »