crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Waxay ku dul timid Seygeeda oo Naag kale guursanaya! | HimiloNetwork

Waxay ku dul timid Seygeeda oo Naag kale guursanaya!

MUQDISHO (HN) — Haweeneydan iyo ilmaheedu uma soo aadin kaniisadda inay ku dhex cibaadaystaan, waxay usoo baxday inay hubiso arrin qarracan iyo lama filaan ku noqon doonta. Waana inay ka marqaati noqoto seygeeda oo ogaal la’aanteed guursanaya naag labaad.

Ugu dambeyntii runta ayay ku indha-qaaday. Waa dhab waa caruus iyo caruusaddii. Waana ninkeeda midka balan kale oo qoran la galaya afadiisa cusub.

Mar qura ayuuse jawigu isku beddelayaa buuq iyo sawaxan. Carruurtuna bilaabayaan inay oohin iyo qeylo isku daraan. Sidaas oo ay tahay, seygeeda uma muuqdo mid ka naxsan xaaladda uu galay mana muujinayo in yar oo jixinjix ah oo reerkiisa ballaaran uu u damqanayo.

Laakiin, aan kaaga soo bilaabo sheekada gunta hoose. Janvier waa hooyo shan dhal ah iyo keli la nool ilmaheeda. Saaka waxaa u yimid koox suxufiyiin ah si ay uga xog waranto xaaladeeda. Balse in yar kaddib ayaa lagu soo wargeliyay in seygeeda uu guursanayo naag labaad.

Durba waxay usoo degdegtay inay soo tiigsato goobta xafladdu ka socotay. Waxayna iyada iyo ilmaheeda ugu soo labisteen sida inay u socdaan martiqaad. In kasta oo la yaab, naxdin iyo qarracan ku noqotay waxa ay indheeda ku aragtay, haddana ma ahayn wax aan laga filan Karin.

Waayo seygeedu ma siin jirin arradtirka iyo xuquuqda ay ilmihiisu ku leeyihiin. Waxayna ahayd qofka kaliya ee dusha u ritay inay korsato ilmaheeda. Guri kiro ah ayay degan tahay. Waxaana wixii ay ku hesho xooggeeda ku masruuftaa reerka.

Nolosha sidaas u adag oo ay ku maareyso qoyska, haddana seygu marnaba tixgelin iyo maamuus uma sameynin ilmaha uu aabbaha u yahay. Wuxuu ahaa mid ku ad-adag xaggooda. Sida aanu jimic iyo turaal ugu muujin baroortooda marka ay ugu yimaadeen kaniisadda isaga oo caruus ah ayaana cadeyn nool u ah. Waa sida inaanu aabbe u ahayn.

Rag badan haddii ay nacaan xaasaskooda – waxay la dayacaan ilmahooda. Danna kama galaan sida ay ku nool yihiin. Waana seygan oo kale oo xattaa haddii xilluhu ku xumaaday aan marnaba ku baraarugin mas’uuliyadda waalidnimo ee ilmihiisa ka saaran.

In kasta oo carruuska iyo caruusadda ay fisheen inay maalmo macaan oo malab ama miski ah isla qaataan, haddana waaxda dowladda hoose oo maqashay tabashada reerka dulman ayaa amar ku bixiyay in la baajiyo xafladda.

Lammaanayaal badan oo Somaali ah ayaa lumiya kalsoonida dhiggooda kala dhaxaysa – iyaga oo si fudud aroos gaabagaabay ah ku gala isla magaalada ay degan yihiin oo laga yaabo inay reerkooda u sheegeen in safar iyo howlo shaqo ay u baxayaan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!