MUQDISHO (HN) — Maalinta Caalamiga ah ee Aqris-Qoraalka waxaa loo dabaal-degaa September 8 sannad kasta si sare loogu dhigo wacyiga iyo baraarugga dhibaatada jahliga oo wali si weyn uga dhex jira bulshooyinka iyo dunida si guud. Maalintani waxay fursad dib u eegis iyo qiimeyn ahi u tahay sida wax-ku-oolnimada leh ee loo horumarin karo tabaha iyo habaha wax-baridda si mar qura da’yarta iyo duqowda looga soo saaro mugdi iyo xanuunka jahliga.
Qofkii fura dugsi wax lagu barto wuxuu albaabada isku dhiftay xabsiga jahliga. Si kastaba, Hey’adda UNESCO ayaa sii wadaysa inay door weyn ka qaadato horumarinta iyo sare u qaadista heerka wax aqriska iyo qoraalka. Sannadkii 1974 ayaa la xusuusta in Hey’adani ay Somaaliya guddoonsiisay billad sharaf ay ku mudatay sida ballaaran oo ay mar qura dalka uga hirgalisay Ol’olihii Horumarinta Reer Miyiga halkaas oo nus malyuun Somaali ah lagu baray hab aqriska iyo dhiagalka.
Laakiin, tiiyoo dadaallada eynigaas oo kale ah ay jireen siina jiraan, xaqiiqdu waxay tahay in haddana 733 million oo dadka waaweyn ah ay wali xabsi ugu jiraan makasnimada oo aanay awoodi Karin aqris ama qoraal toona.
Hal-ku-dhegga maalintan ee sannadka 2021 waxaa loo qaatay Aqris-qoraal Aadanuhu kusoo kaban karo.
Hayeeshe, waa faafitaanka xanuunka Covid-19 oo aan wali lagu guuleysan in si huban looga ciribtiro adduunweynaha midda caqabad ku ah horumarrada socda ee looga soo horjeedo jahliga iyo makasnimada.
Hadafka maalintan waa in la xusuusiyo aadanaha meel walba oo uu joogo muhiimadda aqoonta iyo tabta koowaad uguna muhiimsan ee looga gungaaro oo ah aqriska iyo qoraalka. Xuska maalinta ayaa ku yimid Shir ay isugu yimaadeen wasiiradda wax-barashada caaamka oo ka dhacay Tehran sannadkii 1965.
Maalintani waxaa markii dambe laga mid dhigay Qorshaha Yoolasha Horumarinta Joogtada ah ee QM.
Xog-hayihii hore ee QM, Kofi Anna ayaa yiri Aqris-qoraalku waa kaabad looga gudbo quusta laguna gaaro rejada. Halka Nelson Mandela, halgamaagii ka dhiidhiyay midabtakoorta uu yiri – wax-baarshada waa hubka ugu awoodda badan dunida ee lagu beddeli karo caalamka maanta.
Marka aynu usoo laabano diinteenna, 14 qarni kahor ayuu Islaamku siiyay mudnaan sarreysa aqriska iyo qoraalka. Waxaana si lagu faani karo uu Eebe umadda Muslimka ah wax-yigii soo degayay 23 sano uu uga bilaabay kalmadda Iqra – ama Aqri.
Halka ay diinteennu dhigtay muhiimadda aqriska iyo qoraalka waxaad ka garan kartaa sida maxaabiista gaalada ahi ee aqoonta leh madaxooda lagu xiri jiray inay Muslimiinta caamada ah wax u dhigaan.
Nasiibdarro caalamka Islaamka waxaa maanta la degay makasnimo iyo jahli. Bulshada Muslimka ahna waa kuwa ugu hooseeya heerka aqriska iyo qoraalka. Tadawurka iyo kaltanka dunidu ugu jirto hal-abuurka iyo wax soo saarkana mar hore ayay isaga hareen.
Maanta oo si kastaba caalamku dagaal ballaaran ku iclaaminayo jahliga iyo makasnimada, waa muhiim in umadda Muslimka ah ay dib u baadigoobaan dhaxalkii lumay ee ilbaxnimada iyo xadaaraddii Islaamka.
Qore: Zaki Hiraale.
You must log in to post a comment.