crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney aan seexan muddo 40 sano ah. | HimiloNetwork

Haweeney aan seexan muddo 40 sano ah.

MUQDISHO (HN) — Dadka qaar waxaa ku adag inay shaqeeyaan haddii aanay helin hurdo ku filan habeenkii, laakiin haweeney ku nool Shiinaha ayaa hadda sheeganaysa inaysan hurdin muddo 40 sano ah – xattaa aysan dareemin gamaanyo ama lulmo.

Li Zhanying, oo 40 jir ah kuna nool Henan waxay sheegasho lagu xaqiijiyay marqaatiga qoyskeeda iyo deriskeeda ku tilmaantay inaysan marna hurdin 40-kii sano ee lasoo dhaafay. Qaar badan oo tijaabi maagay, way kahor hurdeen.

Si joogto ah ayay habeen iyo maalin ahayd mid u shaqeysa iyada oo aan dareemin in yar oo daal ah. Seygeeda xatta wuxuu isku dayay inuu ku hurdisiiyo kaniiniyo laakiin ma suuragalin.

Talooyin iyo dawo caafimaad oo ay raadsatayna, dhaqaatiirtu kuma guuleysan inay meel u jideeyaan xaaladdeeda. Kaliya waxay tilmaameen in Li maskaxdeedu dhagartay – oo waqti aanay dareemin hurdo ay ku dhex qaadato nasiino jir ahaaneed.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!