crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney xiriir adag oo ay la yeelatay Daanyeer looga mamnuucay Carwo Duurjoog! | HimiloNetwork

Haweeney xiriir adag oo ay la yeelatay Daanyeer looga mamnuucay Carwo Duurjoog!

MUQDISHO (HN) — Adie Timmermans oo 38 jir ah waxaa laga mamnuucay inay xiriir dhow la sameyso Daanyeer ku jira carwada duurjoogta madaama la arkay inuu aad u daneynayo xiriirka bani-aadanka in ka badan noolaha ku qoyska ah.

Xubnaha qoyska Daanyeerada ee kula jira carwada ayaana gaar u bixin iyo takoor ku bilaabay iyaga oo ka maseyrsan jaceylka ay gabadhani siinayso.

Adie ayaa marwalba oo ay soo gasho xerada waxay siisaa cunnooyin ay ugu soo tala-gashay daanyeerkan isagana goor walba oo uu arko wuxuu isaga soo tagaa inta kale. Marka ay ka tagtana wuxuu diidaa inuu kulamo iyo is dhexgal la sameeyo xubnaha daanyeerada kale.

Si kastaba, si loo adkeeyo xiriirka kala dhaxeeya qoyskiisa, ayaa la faray haweeneydan inaysan xiriir dambe la sameyn karin – go’aan Adie ay ku tilmaantay mid aan sax ahayn.

Waxay sheegtay in Daanyeerkani jecel yahay iyaduna ay jeceshahay oo aysan jirin sabab la iskugu diido.

Si kastaba, haddii ay fulin wayso amarka, waxaa macquul ah inaysan soo wada gelin carwada oo gebi ahaanba laga mamnuuco inay daawato xayawaanadda ku jira.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!