crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Uzbekistan oo oggolaanaysa xirashada Xijaabka. | HimiloNetwork

Uzbekistan oo oggolaanaysa xirashada Xijaabka.

MUQDISHO (HN) — Gabdhaha Muslimaadka ee dalka Uzbekistan waxaa ugu dambeyntii loo oggolaaday inay xiran karaan xijaabka kaddib kolkii dowladdu ay laashay sharcigii adkaa ee la dul dhigay.


Hadda Gabadha Muslimadda ah waxay aadi kartaa iskuulkeeda – iyada oo huwan xijaabkeeda. Wasiirka Wax-barashada, Sherzod Shermatov ayaa sheegay in tallaabtani ay jawaab u tahay baaq uga yimid shacabka.

Wasiirku ma aanu faahfaahin da’da cayiman ee loo oggolahay qaadashada xijaabka.

Madaxweyne Shavkat Mirziyoyev wuxuu debciyay sharciyadii adkaa ee la saaray ku dhaqanka Islaamka markii uu xukunka kala wareegay madaxweynihii hore Islam Karimov sannadkii 2016.

Sannadkii 1998 ayay Uzbekistan soo rogtay diidmada ah xirashada dharka asturmada muujinaya oo xijaabku kamid yahay. 88% dadka waddanku waa Muslimiin.

Dalkani wuxuu dhacaa bar istiraatiji muhiim ah oo bariga iyo galbeed kala qeybiya.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!