crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sonam Chaudhry oo isaga hartay jilidda aflaamta. | HimiloNetwork

Sonam Chaudhry oo isaga hartay jilidda aflaamta.

MUQDISHO (HN) — Gu’yaalihii lasoo dhaafay, dhowr jilayaal ayaa isaga tagay mihnadda aflaam sameynta iyo madadaalada iyaga oo – ama qaadanaya diinta Islaamka – ama doonaya inay Ilaahay usoo noqdaan.

Sanam Chaudhry waxay kamid noqotay kuwii ugu dambeeyey ee go’aan geesinimo ka qaata isaga haridda aflaamta iyada oo maalintii ay ku beegneyd dhalashadeeda ku dhawaaqday inay Islaam-nimadeeda usoo laabatay.

Jilaagan oo ku caan ah filimkii Ghar Titli Ka Par, waxay barteeda Instagram-ka soo dhigtay qoraal u dhigan – hooyo Muslimad ah oo diinteeda baranaysa.

Sanam, waxay gebi ahaanba barteeda ka saartay sawiradii ugu jiray – iyada oo garooc yar oo ku saabsan go’aankeeda cusub la wadaagtay asxaabteeda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!