MUQDISHO (HN) — Markii 101 sano jirka Malaysia u dhashay ee Che Ismail uu ogaaday in tallaal oo kaliya kaga xiran tahay inuu joogteeyo jamaacada masjidka, mar labaad kama fakirin mana diidin marnaba.
Ismail oo ay wehliyaan inankiisa Mohd Jailani Harun oo laba wiil oo uu awoowe u yahay, waxay yimaadeen xarunta laga bixiyo tallaalka ee Kuala Nerus ee degmada Terrenganu.
In kasta oo codsigiisa ah inuu is tallaali karo laga aqbalay goor hore, haddana wiilkiisa Mohd ayaa sheegay inuusan diyaar u ahayn markaas. Hayeeshe waa markii loo sheegay inay uga xiran tahay inuu jamaacada la tukado goortii uu shuruud la’aan ku aqbalay.
You must log in to post a comment.