Maalinta Caalamiga Ilaalinta Goobaha Wax-barashada.

MUQDISHO (HN) — 9-ka bisha September waxay ku asteysan tahay Maalinta Caalamiga ah ee ka Ilaalinta Goobaha Wax-barashada in la weeraro. Maalin lagu dhisay qaraaro loo dhan yahay oo Kal-fadhiga Guud ee QM ayu wadajir u gaareen.

Aqoonsashada muhiimadda ay leedahay sare-u-qaadista wacyiga baahida weyn ee loo qabo dhowraarinta goobaha wax-barashada iyo in laga ilaaliyo weerarada, Qaraarka ayaa dhigaya in hey’adaha UNESCO iyo UNICEF qabtaan xuska iyo weynaynta munsaasabadaha lagu muujinayo wax-ku-oolnimada maalintan iyo farriimaha nool ee ku jira.

Waxau sidoo kale isugu yeertaa saamileyda, daneeyayaasha horumarrada iyo samafalayaasha inay baraarug u yeeshaan wacyiga iyo xaaladaha ay ku jiraan nugulka birimageydada ah ee dagaalladu kala tagaan xasiloonidda wax-barashada si loogu damaanad qaado goobo wax loogu dhigo si duruufaha iyo dagaallada socda uga horjoogsan qaabeynta masiirka noloshooda.

Arday badan ayaa ku saamoobaa meelaha ay ka jiraan dagaallada oo qaar badan oo haddii aysan si dadban ugu dhiman uguna wax-yeeloobin, u dhamaada inay ka qeyb noqdaan dirirta ama ay ka dhacaan geeddiga nolosha. Meelo badan waxaa la arkaa in xooggaga militarigu ay dugsiyada u adeegsadaan gabaad iyo sal-dhigyo ay taliskooda ka hagaan – halkaas waxaa ku aaya-seega arday badan oo ubaxyo usoo baxaya dadkooda ahaa.

Lixdii sano ee lasoo dhaafay, Is-baheysiga Caalamiga ee Ilaalinta Goobaha Wax-barashada wuxuu soo ururiyay warbixinno ka badan 13,400 oo ku saabsan weerarro ka-dhan ah goobo wax-barasho oo ay geysteen militariga iyo in ka badan 25,000 oo arday iyo barayaal ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay dagaalladii lagu soo qaaday.

Iskuullada, dusgiyada wax-barashada iyo goobaha la halmaala waa inay marwalba noqdaan duni ka nabdoon kana caagan dirir iyo weeraro. In lala beegsado falal waxyeeli kara waxay dhabtii wiiqaysaa jiritaanka himilada fog ee la dagaalanka jahliga iyo soo saarista jiil ku hubeysan aqoon iyo xilkasnimo.

Dagaallada hubeysanna, waxay caqaabdo burbur leh u horseedaan wax-barashada. Maantana, saha muuqda ee ka jira goobaha colaaduhu halakeeyeen ee dunida kamid ah, waxay si muuqata u saameynayaan carruurta iyo dadka taagta daran. Xaqa helidda wax-barashada waa in la xushmeeyaa – ubax walba uu udugeeda la raacaa sanka.

Hayeeshe, si guud labadii sano ee lasoo dhaafay, kaliya ma ahayn meelaha xasaraduhu ka jiraan kuwo wajahay dhib gaar ah. Xanuunka Covid-19 wuxuu in kale oo ku nool dunida xasiloon ku qasbay inay aadi waayaan goobaha wax-barashada oo albaabada la iskugu dhiftay cabsi laga qabo faafidda xanuunka awgeed.

Qore: Zaki Hiraale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!