crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sheekada QOYSKA la nool Cudurka Dwarfism-ka. | HimiloNetwork

Sheekada QOYSKA la nool Cudurka Dwarfism-ka.

MUQDISHO (HN) — Haba kuula muuqdaan da’yar isku fac ah; laakiin kuwani ma ahan saaxiibo iyo mataano toona. Waa xubnaha hal qoys oo ku wada dhashay xanuunka Dawaafisim-ka.

Laga bilaabo aabbaha ilaa yaraanka reerka, waa isku jog xagga dhererka. waana waxa ay ka dhigan tahay in loogu yeero faragaab. Joog-yaraanta kasokow waa kuwa ku caafimaad qaba xaaladda ay ku dhasheen.

Deo waa aabbaha qoyskan. Wuxuu dhashay sannadkii 1960-kii.  Waa xaalad aanu horay uga asteyn abka-abkiisa. Laakiin uu isaga gaar ugu dhashay. Wuxuu lasoo kulmay waaya’aragnimooyinka qaraar badan oo uga yimid waxa ay ka dhigan tahay in gaabni lagu dhasho. Wayna ku adkeyd in qof ahaan isku aqbalo sida uu yahay. Wuxuu xumaato u dareemay sida uu u yaalo madaama uu ku eedoobay abuur uusan shaqo ku lahayn oo Ilaahay u dhigay.

Waxaa mararka loo arkay bani-aadan bardhiman oo aan dhammeys ahayn oo aan jiritaanka aadnaha jooga aanu la jaanqaadi Karin.

Dawaafisim-ku waa xaalad ku timaada qalqal ku dhaca hidde-sidaha oo koriinshaha lafaha qofka joojiya.

Ka Deo ahaan, xattaa markii iskuulka la geeyey, bahdilka iyo caayda lagu waday waxay dhaaftay heerkii uu yiqiin. Hogatusaalaha iyo tilmaamaha xun oo idilna wuxuu ahaa qofka lagu halqabsado. Waxna kama uusan qabin Karin. Sidaas darteed, wuxuu xoogga saari jiray wax-barashada.

Laakiin siima joogteyn tacliinta. Wuxuuna naftiisa ka helay isaga oo bannaanka ka jooga iskuulka. Fogaanta dheer ee maalin walba uu u jari jiray ayaana qeyb ka ah sababihii ku kalifay inuu isaga haro.

Waxaase kusii kordhay walaac uga yimid naceybka uu naftiisa u qaaday madaama uu waayay duni ku aqbasha sida Eebbe u abuuray. Wuxuuna si saraaxo leh uga soo gudbay imtixaanno badan oo ay kamid tahay haasaawaha iyo shukaansiga.

Qofkii saxda ahaa ayuu la kulmay waqtigii ku habboonaa kaddib diidmo iyo yasmo uu kala kulmay dumar badan oo uu hawooday ama uu u haasaawe tagay.

Kahor guurkiisa waxay la ahay inuu kaliya dhali doono hal cunug oo isaga oo kale ah; inta kalana ay ka hidde-raaci doonaan hooyadod. Laakiin taas rogaalkeeda ayaa dhacday. Waxaana loo dhalay saddex carruur oo isaga oo kale ku dhashay Dawaafisim-ka.

Faqriga baahsan oo ay ku jiraan waxaa sida aabahood ugu darsamay bahdilaad joogto ah oo ay kala kulmeen iskuullada taas oo ugu dambeyntii ku qasabtay inay isaga haraan tacliinta.

Wiilka madiga ah ee ku jira ilmihiisa, wuxuu weligiis jeclaa inuu noqdo cayaaryahan kasoo muuqda garoomada caalamiga ah, laakiin hadda waxaa liifadda u gaabiyay hankiisaas dadka ku hareersan oo ka dilay iftiinka rejada.

Wuxuu ku warwarayaa inuu mustabqal fiican u abuuro awlaaddiisa, lagana hagaajiyo aqalka ay ku jiraan.

Mid kamid ah gabdhihiisa 27 jir waxaa uur u yeelay inan xodxodasho uga dhameystay hibeynta gabarnimadeeda. Waxaana ay u dhashay laba wiil oo mataano ah. Hadda waa garoob la nool aabaheed oo u baahsan sidoo kale kaalmo.

Gaabnimadu marnaba kuma noqoteen caqabad qoyskan haddii ay heli lahaayeen gargaar dhaqaale oo ay ku dhisi karaan noloshooda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!