crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Ardayga UGU Da’da WEYN Afrika. | HimiloNetwork

La kulan – Ardayga UGU Da’da WEYN Afrika.

MUQDISHO (HN) — Gudaha fasal ku yaalla gobalka Rift Valley, arday ayaa jaallayashiisa la fasalka ah la qaadanaya xiisad. waxay xiran tahay dharka iskuulka. Si kastaba, hal farqi ayaa jira. Priscilla Sitienei waxay ka weyn tahay 80 sano ardayda ay la fadhiso.

Bishii February ayay xirtay da’da 99. Ku laabashada iskuulka ayay ku sheegtay inay uga golleedahay tusaale nool inay u noqoto ilmaha ay ayeeyada u tahay. waxay sidoo kale doonaysaa barashada xirfad cusub.

‘Waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo dhaqtar; waayo waxaan ahaan jiray kalkaaliso,’ ayay u sheegtay wakaaladda Rueters. Waxay intaas ku dartay in ubadkeedu ay ahaayeen kuwo taageero xooggan ka muujiyay go’aankeeda.

Sannadkii 2003, dowladda Kenya ayaa wax-barashada dugsiga hoose ka dhigtay lacag la’aan. Tani waxay u oggolaatay xubnaha da’da ah ee bulshada oo aan yaraantoodii helin fursad wax-barasho inay ku laabtaan iskuullada.

Tanina waxay Sitienei siisay wax ka badan wax-barasho. Waxay sidoo kale noqotay xiddig filimada sameysa.

Waxay hadda ku jirtaa fasalka lixaad ee dusgiga hoose. hadafkeeduna wuxuu hadiyo jeer ahaa midka qaabeynaya masiirka maalmaha nolosheeda ka dhiman.

Tallaabteeda ah ku noqoshada iskuulka waxay timid markii inanta ay ayeeyada u tahay ay ka hartay tacliinta kadib kolkii uur uu kusoo baxay. Markaas ayayna go’aansatay inay iyadu tusaale nool u noqoto ilmaheeda si ay wax-barashada uga harin.

Waxay sheegtay inay ku raaxasato howlaha iskuulka laga qabto sida cayaaraha.
Kaalin weyn ayay ka qaadataa nidaaminta iyo isku duwidda fasalka. Ardayda iyo macalimiintuna waa kuwo la dhacsan doorka ay ku leedahay xilliga ay ku jiraan xiisadaha.

‘Markaan u baxo bannaanka, fasalka oo dhan wuu aamusaa,’ ayay tiri bare Leonida Talaam.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!