crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Cayaaryahanka Seedorf oo qaatay Diinta Islaamka. | HimiloNetwork

Cayaaryahanka Seedorf oo qaatay Diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Clarence Seedorf, oo ah laacibkii hore ee AC Milan iyo xulka qaranka Holland ayaa qaatay diinta Islaamka. Wuxuu maalin Jimce ah go’aankiisa kusoo bandhigay bartiisa instagram-ka.

45-jirkan ayaa bogaadin iyo hambalyaba siiyay cid walba oo qeyb ka ahayd sababtiisa islaamidda iyo tallaabtiisa uu kaga mid noqday bulshada Muslimka ah.

Seedorf, oo loo arko mid kamid ah laacibyadii taariikhda ka sameeyey tartanka horyaallada Yurub ee Champion League-ga, wuxuu mahad ballaaran u jeediyay afadiisa Sophia Makramati kaalintii ay ka qaadatay baridda iyo fahamka diinta Islaamka.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan kusoo biiro walaalahayga Muslimiinta,” ayuu yiri Seedorf.

Waa cayaaryahanka kaliya ee saddex kooxood kula guuleystay horyaalka Champion Liigaha oo kala ah Real Madrid, Ajax iyo AC Milan.

Waa kuwaan haddaba cayaaryahannada qaatay diinta Islaamka ee Seedorf ka horreeyey.

  • Emmanuel Adebayor (Togo)
  • Franck Ribery (France)
  • Eric Abidal (France)
  • Nicolas Anelka (France)
  • Danny Blum (Germany)
  • Emeka Ezeugo (Nigeria)
  • Thierry Daniel Henry (France).

Diinta Islaamka waa tan ugu faafista badan caalamka oo sannad kasta tiro ku dhow nus milyan ay suuragal tahay inay kusoo biiraan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!