HomeDunida MuslimkaHaweenka Booliska Nigeria oo xiranaya Xijaabka.

Haweenka Booliska Nigeria oo xiranaya Xijaabka.

MUQDISHO (HN) — Gu’yaalihii ina dhaafay, xijaabka ayaa kamid noqonayay dharka ciidamada booliska meelo badan oo caalamka kamid ah.

Ku dayashada tallaabooyinkaas muhiimka, taliyaha booliska Nigeria, Usman Alkali Baba ayaa meelmariyay idan gabadha Muslimadda Booliska ah u oggolaanaya inay xijaabkeeda ku shaqeyso amaba ay la xiran karto dharka booliska.

Tallaabadan waxaa aad usoo dhaweeyey Muslimiinta Nigeria oo ay kamid yihiin Isu-tagga Qaran ee Haweenka Nigeria oo la yiraahdo FOMWAN – iyaga oo go’aankan ku tilmaamay mid sinnaan u abuuraya gabdhaha booliska ah.

Booliska Nigeria ayaa noqonaya unuggii koowaad ee xoogga ciidamada qaranka ee fasaxa xirashada xijaabka. Waana tallaab taariikhi ah.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments