crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Buffalo oo doonaya in loo ‘aqoonsado’ fasaxa Ciidaha. | HimiloNetwork

Muslimiinta Buffalo oo doonaya in loo ‘aqoonsado’ fasaxa Ciidaha.

MUQDISHO (HN) — 500 oo arday ah oo dhigta iskuulka Buffalo Public mahelin maalmo fasax ah oo ay ugu dabaal-degaan labada Ciidood ee Muslimiinta.

Tiiyoo Muslim ballaaran ay ku nool yihiin magaalada Buffalo, aalaaba lama siin jirin tix-gelin goonni ah waxaana ay gaarkooda ugu damaashaadi jireen saacado kooban oo kamid ah xilliyada wax-barashada ama waxa ay ku qasbanaan jireen inay ka joogaan iskuulka.

Tani waa dhab iyo run qaraar oo .Muslimiinta Buffalo ay doonayaan inay wax ka qabtaan – iyaga oo dhambaalo cabasho ah u diray guddiga dowladda hoose ee ismaamulka.

“Dal ay ku dhan yihiin ummado kala diimo iyo dhaqan ah oo xurriyadda diintuna ay sal u tahay, waa muhiim in la weeleeyo tabashadeenna oo naloo idmo maalmaha fasaxa oo aan u dabaal-degno Ciidaha,” ayaa lagu yiri dhambaalka.

“Muslimiintu waxay u qalmaan sida dadyowga kale inay farxad, nasiino iyo is booqasho ku dhex qaataan maalmahooda ciideed – iyaga oo aan wax cadaadis ah kala kulmeen maamulka iskuulka ama aan ka yaabeyn inay dhaafi doonaan casharrada muhiimka ah,” ayaa intaas lagu sii daray.

Dhowr magaalooyin ah oo Maraykanka kamid ah sida New York ayaa aqoonsaday fasaxa Ciidaha Muslimiinta.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!