MUQDISHO (HN) — Waxay yiraahdeen dumarku waxay ka yimaadeen meeraha Venus – raguna meeraha Maaris mana jirto meel sidaas u kala saari karta oo aan ka ahayn xaafadda Ubang oo ah tuulo beesha degan ay lab iyo dhedigta ku wada dhaqan ku kala hadlaan afafkooda gaarka ah.
Way adag tahay inaad aaminto in dad meel qura kusoo wada koray ay haddana laba luqad oo kala duwan ku kala hadlaan. Laakiin dadka degaanka Ubang waa iska caadi. Lama sheegi karo boqolkiiba inta ay la’eg tahay kala duwanaanshiyaha afafka ay ku kala hadlaan. Waxaae la fahmi karaa in ereyo dhowr ah oo aan yareyn ay ku kala duwan yihiin.
Tusaale ereryga maryo dumarkoodu waxay dhahaan ‘ariga’ halka raggoodu ay u yaqaanaan ‘nki’ – geed waxay ragu u yaqaan kitch halka dumarkuna yiraahdaan okweng. Kuwani waa kaliya tusaalayaal. Laakiin waa gudaha marka aad u gasho degaankooda goorta aad fahmayso sida ay isku weydaarsan yihiin.
Waxaa xusid mudan in lab iyo dhedig ay is fahmi karaan madaama inamada iyo hablaha ay wadajirka u wada nool yihiin, laakiin waa marka inanku gaaro da’da 10-jirka kolka laga filayo inuu ku hadlo afka raga.
Qofna masheegi karo halkii iyo sidii ay kusoo bilaabatay, laakiin dadka degaanka ayaa aaminsan in asalka Aadan iyo Xaawo ay iyaga kasoo jeedaan.
Laakiin afka English-ka ayaa mugdi gelinaya sii jiritaankiisa madaama jiilal Ubang ku nool ay baranayaan lana qabsanayaan nolosha kale ee Nigeria ka jirta. Mana jirto qoraal iyo dhigaal loo sameeyey oo dadka la baro. Waxaana kaliya la iskugu gudbiyaa hab tiraab ah.
You must log in to post a comment.