crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> September | 2020 | HimiloNetwork

Monthly Archives: September 2020

Qaadka aad cuneysaa, Rag baa u qudh-baxa!

KISMAAYO (HN) — Markii uu bilaabay inuu tiriyo tirada badda ku dhimatay iyaga oo ku safraya doomaha u kala goosha Kismaayo iyo Baraawe, saaxiibkay waxaa ka luntay qiyaastii. Wuxuuse hubaal u tirin karaa dhowr qof oo uu weji ahaan yiqiin kuwaas oo geeridooda loo soo sheegay. Dhawaan, ayuu yiri, waxaa la bilaabay in doontii safartaba laga soo sheego hebel oo ...

Read More »

Muuska lagu cuno Dhoobleey.

KISMAAYO (HN) — Waligay way ii dhinneyd inaan suuraysto magaalo kamid ah gobollada koofureed ee dalka oo mooska laga cuno looga keeno masaafo 200km ka badan u jirta. Gobollada Jubbooyinkana kumaba sii darsan xisaabta. Waxay ila ahayd in magaaalo walba oo koofureed mooska laga cuno uu kasoo go’o beeraha ku yaal duleedkeeda, sidaas darteedna, qiimaha mooska uu ka joogo gobollada ...

Read More »

Shilinka Somaaliga iyo Shacabka Somaaliyeed.

MUQDISHO (HN) — Joogitaankaygii Dhoobleey wuxuu wax badan iiga dhignaa waya’aragnimo qiimi leh; waxaase runtii aan kala imid hal weer ama kalmad oo wacyigayga wax badan ku kordhisay. Innaga oo duubayna xirmo ku saabsan shilinka Somaaliga, waxaa mar qura hadal nagu soo tuuray nin kamid ah ganacsatada degmada kaas oo dadka degaankana kamid ah. Wuxuu yiri: haddii aanu jiri lahayn ...

Read More »

Kismaayo – Ayaan iyo Ayaan-darro.

MUQDISHO (HN) — Duleedka ay cawska iyo geedaha isla egi ku hareersan yihiin iyo buuro-la-moodka jooggoodu isla siman yahay ee ilaa xeebta badda ku dhammaada, dhexdeeda waxaa ah magaalo marka laga yimaado aagga Raas Kambooni kow ka ah ku dhawaad afar magaalo xeebeed oo duleedyadoodu ay maraan webiyada Jubba iyo Shabeelle. Mana ahan mid kale waa Kismaayo. Waa markii ugu ...

Read More »

Adeegsiga Xijaabada fashionka oo adduun lacageed badan soo kordhinaya.

WASHINGTON (HN) — Tommy Hilfiger, oo ah mid kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee sameeya dharka xaragada, ayaa markii ugu horreysay soo saartay xijaabo fashion ah kuwaas oo hadda kaddib kamid noqon doona maryaha ay u sameeyaan macmiishooda. Marka loo eego Shirkadda, go’aanka soo saarista xijaabo lagu xaragoodo waxay diraysaa fariin loo dhan yahay iyo haqabtirka baahiyaha gabdhaha Muslimiinta. Waxay markii ...

Read More »

Youtuber South African ah oo qaatay diinta Islaamka.

SEOUL (HN) — Kaddib laba sanno oo baaris ah, Youtuber South African ah balse saldhigiisu yahay Koofur Kuuriya ayaa qaatay diinta Islaamka. “Waxay igu qaadatay laba sanno inaan baaro oo aan raadguro micnaha xeesha dheer oo Islaamku u taagan yahay,” ayuu yiri  Lwazi Sbu Lalendle. “Waxaan gaaray go’aan ku yimid rabitaankayga; waana ku faraxsanahay inaan maanta kamid ahay qoyska ballaaran ...

Read More »

Muslimiin isku taagaysa Nadaafadda Kaniisad jaar la ah.

LONDON (HN) — Islaamka wuxuu siiyaa xaqdhowr ballaaran deriska ama jaarka, waxaana lagu booriyaa Muslimiinta inay si fiican ula dhaqmaan deriskooda. Xaafadda West Yorkshire ee magaalada Leeds, masjid kamid ah masaajidda magaalada ayaa qaadaya tallaab wax-ku-ool ah oo la xiriirta dulqaadka iyo deris wanaagga kaddib markii ay ol’ole nadaafadeed ka sameeyeen kaniisad jaar la ah Masjidka. Kooxdan oo kamid ah ...

Read More »

Youtuber British ah oo qaatay diinta Islaamka.

LONDON (HN) — YouTuber British da’yar ah oo markii hore isku sheegi jiray inuu yahay Alle-diid ama Mulxid ayaa qaatay diinta Islaamka – kaddib dadaal badan oo uu ku bixiyay baaris la xiriirta nolosha iyo diinta. Jay Palfrey ayaa bartiisa soo dhigay muuqaal uu ku dhex ashahaadanayo gudaha Masjid ku yaalla Turkiga. Wuxuuna aqrinayaa kalmadda Towxiidka. Taniyo sannadkii 2017-ka, Jay ayaa ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!