crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> February | 2021 | HimiloNetwork

Monthly Archives: February 2021

Arigii Dhogor awgii looga diday sida Dugaag.

MUQDISHO (HN) — Idaha iyo Ari-cadka ku nool dhulka qabow waxay aalaaba u baahan yihiin in laga diiro dhogorta iyo dufka tirada badan ee ku raarma sannadkiiba mar. Haddii kale waxay noqonayaan sida ri’dan oo kale taas oo in ka badan sannad aan laga jarin dhogorta. Culeyska dhogorta oo kaliya ayaa gaaray 35 kilogaram. Si kastaba, goortii loo qaaday xarun ...

Read More »

Daawo – Wariye sameynaya tebin toos oo lagu dhacay Biskoolad.

MUQDISHO (HN) — Saxaafaddu waa mid kaliya shaqooyinka ugu halista badan ee laga shaqeeyo. Muqaalka soo aadanna wuxuu caddeynayaa sida suxufiyiinta qaar ee sameynaya tebinta tooska ah ay ula kulmi karaan dhac, dil ama xattaa afduub. Wuxuuna ku saabsan yahay wariye isaga oo ku jira tebin toos ah lagu qabanayo biskoolad si looga qaato mobilka iyo wixii agab qaali ah ...

Read More »

Nin – si la yaab leh uga been-sheegay Naftiisa – si Boolisku ugu qabtaan Shaqo.

MUQDISHO (HN) — Kaddib markii ay ku adkaatay in meel iskaga moosaan barafka kala xiray iyaga iyo magaalada inteeda kale, nin u dhashay waddanka Ukraine ayaa helay xeelad uu jidka uga qaadi karo barafka tuban. Wuxuuna wacay booliska isaga oo sheeganaya inuu dilay adeerkiis. Sidaas darteedna, uu doonayo inuu isku dhiibo booliska. Wuxuu intaas usii raaciyay in waddada soo gasha ...

Read More »

Haween – si ay u qaataan Tallaalka Covid-19 – ku kacay fal la yaab leh!

MUQDISHO (HN) — Laba haween ah oo ku nool Florida ayaa lagu qabtay isku day ah inay doonayeen tallaalka xanuunka Covid-19 iyaga oo iska dhigaya waayeelo si loogu fududeeyo. Shaqaalaha Florida Department of Health ayaa soo werinaya qisada laba haween oo kala jira 34 iyo 44 kuwaas oo yimid xanuunka tallaalka xanuunka si looga siiyo tallaalka kahortagga Corona. Si ay ...

Read More »

La kulan: Ninka ‘gebi cidlo’ ah ku camiray 10,000 oo Geed-mirood ah.

MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay dalka Hindiya kaas oo 15 sano kahor bilaabay dhir-beerista ayaa lagu bogaadiyay dadaalkiisii mira-dhaliyay in ka badan 10,000 oo geedo ah. Satyendra go’aankiisa la xiriira inuu dhirbeero wuxuu kala kulmay caqabado badan, aalaaba xoolaha ayaa usoo dhici jiray xerada uu ooday si uu dhirta ugu koriyo waxayna cuni jireen dhammaanba abuurka iyo geedaha yaryar ...

Read More »

Tijaabadii ugu adkeyd Jaceylka oo ay marayaan Lammaane.

MUQDISHO (HN) — Lammaane u dhashay dalka Ukraine ayaa go’aansaday inay tijaabadii ugu adkeyd is mariyaan iyaga oo gacmaha ku wada dhifsanaya hal katiinad muddo saddex bilood ah. Alexander iyo Viktoria, ayaa bilowgiisa bishan go’aan ku gaaray inay u dabaal-degaan Maalinta Jaceylka iyaga oo gacmaha iskaga katiinaysan. Hadafkoodu wuxuu ahaa inay isla joogaan hadiyo jeer si xiriir ah muddo saddex ...

Read More »

Sheekada Lammaane 10 bil gudaheed isku dhalay 11 carruur ah!

MUQDISHO (HN) — Hooyo u dhalatay waddanka Ruushka oo 23 jir ah ayaa noqotay 11 dhal muddo 10 bilood gudahood ah kaddib markii ay adeegsatay caloosha hooyooyin kale si ay ugu ximbaaraan ubadkeeda. Hadafkeedu wuxuu ahaa inay si dhaqsiinyo leh ugu dhasho ubad tiro badan. Christina Ozturk waxay wax dhal ku noqotay da’da 17 jirka markii ugu horreysay oo ay ku ...

Read More »

Sababta Waddooyinka Caasimadda ka dhigtay CIRIIRI iyo BUUQ!

MUQDISHO (HN) — Caasimadda Muqdisho waxaa ugu dambeyntii lagu biirin karaa mid kamid ah kuwa ugu saxmadda iyo ciriiriga badan adduunweynaha. Buuqa iyo ciriirga soo bilowda subax arooryaad wuxuu sii jiraa ilaa gabbalku ka dumo iyo caweys dmabe. Jid walba oo ku yaalla caasimadda wuxuu ugu yaraan saacad kamid ah maalintii marti-geliyaa ciriiri aan yareyn. Hayeeshe, waqti aan la fileyn ...

Read More »

Faransiiska: Masjid ‘gabaad siinaya’ Darbi-jiifta.

MUQDISHO (HN) — Qabowga daran ee ka jira qeybo dunida kamid ah, masjid ku yaal Faransiiska ayaa albaabada u furay kuwa dibjirka iyo qaxootiga. “Muslimiinta ayaa gabaad na siiyay; waxaana ku faraxsanahay inan helno,” shwor, oo ah qaxooti ka yimid Nepal ayaa u sheegay warbaahinta. Masjidka Mantes Sud waxaa la dhisay sannadkii 2015-ka. Dhismaha Masjidka, Abdelaziz el Jaouhari, oo ah madaxa masjidka ayaa ...

Read More »

Youtuber Jarmal ah oo qaatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Christian Betzmann oo ah dalandoole muqaaladiisa soo dhiga youtube-ka ayaa qaatay diinta Islaamka, isaga oo taageerayaashiisa kula wadaagay bartiisa instagram-ka. “Islaamku waa diin nabad ah waxaana la yeeshay xiriir qoto dheer Muslimiinta oo aan yaraantaydii la ahaa asxaab,” Betzmann ayaa kusoo dhinac qoray sawir uu soo dhigay bartiisa. “Kusoo koritaankayga Yurub waxaan maqli jiray Islaamka oo lala ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!