HomeDunida MuslimkaYoutuber Jarmal ah oo qaatay diinta Islaamka.

Youtuber Jarmal ah oo qaatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Christian Betzmann oo ah dalandoole muqaaladiisa soo dhiga youtube-ka ayaa qaatay diinta Islaamka, isaga oo taageerayaashiisa kula wadaagay bartiisa instagram-ka.

“Islaamku waa diin nabad ah waxaana la yeeshay xiriir qoto dheer Muslimiinta oo aan yaraantaydii la ahaa asxaab,” Betzmann ayaa kusoo dhinac qoray sawir uu soo dhigay bartiisa.

“Kusoo koritaankayga Yurub waxaan maqli jiray Islaamka oo lala xiriiriyo dagaal, argagaxiso, dib-u-dhac,” ayuu yiri. “Ma ahayn qof diimeed; haddana dan weyn igama gelin jirin waxa laga sheegayo.”

Go’aankiisa waxaa bogaadiyay youtubers ay kamid yihiin ham Idrees, Zaid Ali, Minal Khan, Zoya Nasir, iyo Zara Noor Abbas.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments