crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Youtuber Jarmal ah oo qaatay diinta Islaamka. | HimiloNetwork

Youtuber Jarmal ah oo qaatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Christian Betzmann oo ah dalandoole muqaaladiisa soo dhiga youtube-ka ayaa qaatay diinta Islaamka, isaga oo taageerayaashiisa kula wadaagay bartiisa instagram-ka.

“Islaamku waa diin nabad ah waxaana la yeeshay xiriir qoto dheer Muslimiinta oo aan yaraantaydii la ahaa asxaab,” Betzmann ayaa kusoo dhinac qoray sawir uu soo dhigay bartiisa.

“Kusoo koritaankayga Yurub waxaan maqli jiray Islaamka oo lala xiriiriyo dagaal, argagaxiso, dib-u-dhac,” ayuu yiri. “Ma ahayn qof diimeed; haddana dan weyn igama gelin jirin waxa laga sheegayo.”

Go’aankiisa waxaa bogaadiyay youtubers ay kamid yihiin ham Idrees, Zaid Ali, Minal Khan, Zoya Nasir, iyo Zara Noor Abbas.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!