MUQDISHO (HN) — Waxaa laga diiwaan-geliyay saddex kiis oo cudurka Corona ah, laakiin waxay qodeen xabaalo gaaraya 600 si ay sare ugu dhigaan wacyiga dadka ee la xiriira halista faafitaan ee xanuunka Covid-19.
Ujeedada ayaa ah in dadka la kala dooransiiyo inay dhaqan-geliyaan talooyinka caafimaad ee looga hortagi karo faafista cudurka oo ay sidoo kale guryahooda ku negaadaan – ama ay u diyaar-garoobaan dhimashao saf mar oo galaafata noloshooda.
Halkan haddaba ka daawo qubuuraha loo qoday dadka in looga digo halista Corona. Waxaana ay dhacdadani kasoo if baxday dalka Ukraine.