HomeWararkaLa kulan: Ninka 'gebi cidlo' ah ku camiray 10,000 oo Geed-mirood ah.

La kulan: Ninka ‘gebi cidlo’ ah ku camiray 10,000 oo Geed-mirood ah.

MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay dalka Hindiya kaas oo 15 sano kahor bilaabay dhir-beerista ayaa lagu bogaadiyay dadaalkiisii mira-dhaliyay in ka badan 10,000 oo geedo ah.

Satyendra go’aankiisa la xiriira inuu dhirbeero wuxuu kala kulmay caqabado badan, aalaaba xoolaha ayaa usoo dhici jiray xerada uu ooday si uu dhirta ugu koriyo waxayna cuni jireen dhammaanba abuurka iyo geedaha yaryar ee baxaya.

Wuxuuse sameystay oodo waaweyn oo u diidaya xoolaha inay usoo tallaabaan aagiisa uu ugu tala-galay inay dhirtu ku badato.

Geedaha badi uu ku beeray goobta waa seytuunka ama guwaafaha. Waaxda gobalka iyo dowladda hoose ee degmada ayaa hadda bogaadinaya doorkiisa degaaneed. Waxaana laga mid dhigay xubnaha ugu firfircoon ee daryeelka ubadka ka shaqeeeya.

Kaliya dadaalkiisu maanu noqon mid la mahdiyo, wuxuu sidoo kale qeyb ka qaatay horumarinta xagga qudaarta halkaas oo seytuunka uu beeray laga iibsado. Wuxuu doonayaa inuu tusaale u noqdo jiilka uu la nool yahay iyo kuwa gadaashiisa imaanaya.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments