crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin – si la yaab leh uga been-sheegay Naftiisa – si Boolisku ugu qabtaan Shaqo. | HimiloNetwork

Nin – si la yaab leh uga been-sheegay Naftiisa – si Boolisku ugu qabtaan Shaqo.

MUQDISHO (HN) — Kaddib markii ay ku adkaatay in meel iskaga moosaan barafka kala xiray iyaga iyo magaalada inteeda kale, nin u dhashay waddanka Ukraine ayaa helay xeelad uu jidka uga qaadi karo barafka tuban.

Wuxuuna wacay booliska isaga oo sheeganaya inuu dilay adeerkiis. Sidaas darteedna, uu doonayo inuu isku dhiibo booliska. Wuxuu intaas usii raaciyay in waddada soo gasha degmadiisa ay xireen barafka xooggan ayna u baahan yiiin inay usoo qaataan cagafcagaf iyo baaldoosaro si ay iskaga wareejiyaan.

Dadaal dheer kaddib oo boolisku ay ku bixiyeen inay barafka ka xaaqaan jidka gala degmadiisa, waxay ugu dambeyntii gaareen gurigiisa.

Waxaase ay la kulmeen fal aad uga duwan midkii ay filayeen. Dhammaan qoyska iyo ehelka ayaa wadajir u wada fadhiya. Waxayna ku shaahayaan daawashada muuqaal u shidan.

Booliska ayaa su’aalay sababta waxaan oo tacab ah uu uga qasaariyay. Balse ninkan ayaa u sheegay inuu waayay xal aan ka ahayn adeegsiga xoogooda si looga qaado barafka xooggan ee jidka ka xiray. Sidaas awgeedna, uu been ugu sheegay si boolisku uu shaqadaas dhib yaraan uga howlgalo.

Ganaax dhan 4$ ayaa lagu riday ninkan lama xirin.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!