crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – 11 jirka ugu Xoogga Badan Dalka Ruushka. | HimiloNetwork

La kulan – 11 jirka ugu Xoogga Badan Dalka Ruushka.

MOSCOW (HN) — Sida lagu yaqaan carruur badan oo 10 jir ah waa inay aadaan dugsiyada; ciyaaraan kubadaha ama ku maaweeloodaan games-ka; laakiin Timofey Klevakin, oo 11 jir ah wuxuu ku mashquulsan yahay dhisidda iyo xoojinta murqihiisa. Wuxuuna xaadir ku yahay goobaha jirka lagu dhiso.

Taniyo markii uu shan jirsaday Klevakin wuxuu aad ugu go’ay wax himlinta ‘qaadidda biraha’, waxaana aabihiis Arseny Klevakin  oo dareemay xiisaha inankiisa uu ku taageeray doorashadaas goor hore. Markii uu lix jisaday, wuxuu daawadayaal iskugu yimid goob tartan kaga yaabsaday inuu dhulka ka qaaday 55 kg oo culaab bireed ah.

Hadda oo uu 11 jirsaday, wuxuu awoodi karaa inuu dhulka ka qaado 105 kg si uu u jebiyo rikoor qaran.

Waxa dad badan la yaab geliya waxaa kamid ah marka ay arkaan isaga oo taayaro waaweyn dhulka ka qaadaya si uu u qotomiyo. Dadka degaankiisa ayaa u arka halyey usoo baxay. Wuxuu qaar badan oo la fil ah ama in badan ka weyn kaga guuleystay himlinta walxaha culus.

Hooyadiis iyo qaar asxaabtiisa kamid ah waxay ka welwel qabaan caafimaadkiisa haddii uu sii joogteeyo xiisaha uu jiimka u qabo. Laakiin, isaga ahaan, uma muuqato waddo aan ka aheyn inuu heer sare ka gaaro hab-dhiska jirkiisa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!