crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sababta Waddooyinka Caasimadda ka dhigtay CIRIIRI iyo BUUQ! | HimiloNetwork

Sababta Waddooyinka Caasimadda ka dhigtay CIRIIRI iyo BUUQ!

MUQDISHO (HN) — Caasimadda Muqdisho waxaa ugu dambeyntii lagu biirin karaa mid kamid ah kuwa ugu saxmadda iyo ciriiriga badan adduunweynaha.

Buuqa iyo ciriirga soo bilowda subax arooryaad wuxuu sii jiraa ilaa gabbalku ka dumo iyo caweys dmabe.

Jid walba oo ku yaalla caasimadda wuxuu ugu yaraan saacad kamid ah maalintii marti-geliyaa ciriiri aan yareyn. Hayeeshe, waqti aan la fileyn in ciriiri laga filan karo waddooyinka oo habeenkii ah, hadda waa iska caadi.

Waddada dheer ee Jidka Jaalle Siyaadna kumaba jirto. Waayo waxaa hadda loo tix-geliyaa jidka kaliya ee Xamar looga soo geli karo dhinaca koofureed.

Si lamid ah dharaarta cad, waddadan waxay habeenkii mararka qaar noqotaa mid ka ciriiri badan maalintii.

Xalay oo kale waxay ahayd habeen aan inta ka degay gaarigii aan saarnaa aan go’aansaday inaan lug ku maro. Waxaana sidayda oo kale lugtooda maalayay kontomeeyo da’yar u badan iyo haween. Badi waxaa ku jiray daaqad u suura-gelinaysa inay rucla-orod ku dhaafaan ilaa dhammaadka ciriiriga oo ku dhawaad hal kilo meter jiitamayay.

Mana ahan inay jecel yihiin lugta. Intooda badan waxay kasoo degaan baabuurtii ay saarnaayeen; iyaga oo dhawaanshaha halka ay u socdaan iyo helidda dad ay isku meel u wada socdaan ku doortay socodka.

Waxaase jira in kale oo labada daran dhexdood uu waqtigu dhex geeyey oo aan heli karin doorasho aan ka ahayn inay iska saarnaadaan baabuurta ilaa ay ka baxayaan ciriiriga.

Laakiin ma ahan habeen walba mid ciriirigu uu joogto ka yahay jidka dheer ee Jaalle Siyaad iyo dabcan inta badan waddooyinka magaalada. Habeennada qaar sida laga bilaabo galabka Khamiista ilaa cawayskeeda dambe iyo galabta Sabtida ah oo habeen Axadda ay soo galayso, waa labada mar oo sida la sheego ugu ciriiri badan waddooyinka caasimadda.

Dad badan waxay u sababeynayaan fasaxa labada maalin ee Khamiista iyo Jimcaha iyo bilowga maalinta koowaad ee toddobaadka oo qof walba uu magaalada usoo baxayo midda keenaysa ciriiriga waddooyinka.

Waxaa kale oo xusid mudan in lagu baraarugo gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaada oo iyagana labadaas goor magaalada soo gala intooda badan.

Gaadiidka waaweyn ee dhammaadka toddobaad walba isku dhereriya jidka dheer ee 21 October ilaa Warshadda Caanaha – iyaga oo sugaya inay caways dambe u hoydaan dekadda Muqdisho ayaa sidoo kale ugu wacan ciriiriga.  

Hayeeshe, waa helid la’aan nidaamka taraafikadda waddooyinka oo aan gebi ahaanba ka jirin inta badan laamiyada caasimadda siiba xilliga habeenkii sababta ugu weyn oo ciriiriga iyo buuqa ugu wacan caasimadda Muqdisho.

In baabuurta waaweyn loo fasaxo waddooyinka wixii ka danbeeya habeenkii saddex saac oo aysan maalinta cad la isticmaalin jidadka baabuurta dadweynaha waa xalka ugu fudud.

Haddiise la iskaga indhatiro tallaabooyinka xalka u noqon kara ciriiriga waxaa shaki ku jiri doonin in shacabka oo kaliya aysan noqoneyn kuwa ku dhib muta, balse ay dareemi doonaan madaxda ugu sarreysa gobalka iyo dowladda dhexe.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!