7 April – Maalinta Gocashada Xasuuqii Rwanda 1994

Muqdisho (Himilonews) – Bishii April sanadkii 2004 ayay markii ugu horreysay QM aqoonsatay Maalinta Caalamiga ee is-tusidda Xasuuqii Rwanda. Xuska Maalintanna waxaa taniyo markaas lagu qabanayay caasimado kala duwan sida Kigali, New York, Dar-es-Salaam iyo Geneva.
Dhamaan xubnaha katirsan QM ayaa lagu casuumaa inay qeyb ka noqdaan hal daqiiqo oo loo aamuso xusuusta dadkii ku le’day mashaqadaas.
War uu xilligaas jeediyay xog-hayihii guud ee QM Kofi Anan ayuu ugu yeeray xubnaha katirsan Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa in la sameeyo kahor-tag kasta oo lagu horjoogsado xasuuq dhaca mustaqbalka.
“Way fiican tahay inaan isla qaadanno waqti aan ku xusuusanno dhibanayaasha xasuuqii Rwanda. Waa inaynan hilmaanin mas’uuliyad darridii aan ku badbaadin weynay nolosha 800,000  oo isugu jira rag, dumar iyo carruur. Danbiyadan oo kale dib looma naqtiimin karo. Guul-darradii aan kaga hortagi weyneyna ma ahan mid dib loo dayac-tiri karo. Kuwa dhintay dib uguma soo laaban karaan nolosha,” ayuu Kofi Anan yiri xilligaas.
Balse wixii ka dhacay Rwanda 23 sano kahor, ma ahan mid lagu hilmaami karo gu’yaal. Xasuuqaas dhacay oo sidoo kale lagu magacaabo Gumaadkii Tutsiga, ayaa xukuumaddii ay hoggaaminayeen Hutu-gu waxay intii u dhaxeysay 7 April ilaa July sanadkii 1994 nolosha ka tireen dad gaaraya 800,000.
Wax walba waxay ku bilowdeen markii 6 April diyaarad uu saarnaa madaxweyne Habyarimana, oo kasoo jeeda Hutu-ga lasoo riday. Intaas kadibna waxaa xigay dagaal isir sifeyn ah oo lagu qaaday Tutsiga.
Xasuuqu kaliya kuma ekeyn guryaha in loogu galo dadka; lagu dilo; ama lagu gubo ee sidoo kale waxaa saf-mar loo dilay dadkii ka cararayay guryahooda oo looga daba-tagay goobihii ay baxsadka ku noqdeen. Qof kasta oo heyb la sheegta; deris la ahaa ama lagu ogaa heybtooda ayaa si aan kala reebis laheyn loo xasuuqay. Boqol maalmood gudahood ayaana lagu laayay 800,000 oo qof taas oo ka dhigan xasuuqii ugu xumaa taariikhda casriga ee laga diiwaan-geliyay qaaradda Afrika.
Lamid ahan xasuuqyadii ka dhacay Kosovo iyo Bosnia; kii Armenia ee dhacay 1915; iyo gumaadkii Yuhuudda ee dhacay intii uu socday dagaalkii labaad ee dunida oo loogu yeero Holocaust kuwaas oo aan xoga badan laga diiwaan-gelin.
Waxa naxdinta leh ayaa ah in dadka wada dega Rwanda ay ahaayeen qowmiyado wadaaga wax-yaabo badan sida afka, deegaanka; iyaga oo dhaqamo badan ka mideysan, hadana nasiib-darro, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa si toos ah iyo si dadbanba uga qeyb noqday gumaadkaas. Saxaafadduna waxay qeyb xoogan ku laheyd hurinta xasuuqaas isir-sifeyska lahaa.
Ereyada tumaatida leh ee ay adeegsan jireen war-fidiyeenka waxaa kamid ahaa; Waa inaad dishaan Tutsiga waayo waa Baranbaro; waa inaynu dhamaanteen la dirirnaa Tutsiga; waa inaynu dhameynaa; ka saarnaa dalka oo dhan si aysan u helin meel ay gabaadsadaan.” Waxayna ku dhacayeen dhegaha muwaadiniinta dalka oo dhan ku noolaa.
Hayeeshe marka maanta la eego nolosha ka jirta Rwanda – ama aad booqato, hafilan inaad aragto hal muuqaal oo kuu muujiya wixii ay taariikhdani madow kasoo werisay sooyaalkii qaraaraa ee Rwanda.
Marka loo eego hey’adda Fitch, intii u dhaxeysa sanadihii 2001 iyo 2012, dhaqaalaha dalka Rwanda wuxuu kor u kacay 8.1%. Waxayna ku soctaa sameynta kobac dhaqaale oo xawli ah; adeegyada lagu bixiyo daryeelka caafimaadka iyo xanaanada hooyada iyo dhallaanka iyo dadka da’da ah ayaa keensatay in heerka nololeed ee qofka Rwandiga ah uu 10 sano sii cimriyo. Waayo 90% muwaadiniintu waxay heli karaan ceymis caafimaad oo xaaladaha qaar noqda bilaash.
Rwanda sidoo kale waa dalalka ugu horreeya ee jiilasha Afrika ku nool kuwaas oo in ka badan 90% loo suura-galiyay inay aadaan dugsiyada wax-barashada.
Intii u dhaxeysay sanadihii 2006 ilaa iyo 2011, in ka badan hal milyan oo muwaadiniinta Rwanda u dhashay ayaa ka qaalib noqday saboolnimada. Mashruuca horumarineed ee deegaanka ayaana taasi suura-gal ka dhigay markii ay qoysaska ceyrta ah ugu deeqeen xoolo, waxyaalo ay beertaan iyo sidoo kale u abuurista fursado shaqo oo ay ku maareeyaan noloshooda.
Sanadkii 2007, Rwanda waxay noqotay dalkii ugu horreeyey ee mamnuuca adeegsiga bacaha oo halis ku ah carasanta deegaanka, neecawda iyo xoolaha.
Hayeeshe waxyaalaha cajiibka leh ee lagu arko Rwanda ayaa ah midda kaliya ee aan lagu arkin dunida kale. Taasina waa ol’olaha Umuganda – oo laga bilaabo madaxweyne ilaa qof kasta oo Rwandi ah – ay si mid uga qeyb-galaan Maalinta Adeegga Bulshada Qaranka oo la qabto Sabtida ugu danbeysa bil walba.
Iyada oo laga eegayo Umuganda, dhismayaasha danta guud oo ay ku jiraan dugsiyada, isbitaallada, jidadka iyo wixii soo raaca ayaa lagu dhisay iskaa-wax u qabso. Sidoo kalana Ol’olahani wuxuu keenay in Kigali ay noqoto magaalada ugu nadiifka iyo bilicda qurxoon qaaradda Afrika.
Marka loo eego Ibrahim index of African Governance, Rwanda waa dalalka ugu horreeya qaaradda Afrika ee muujiyay hab maamul oo hufan iyo nidaam hoggaamineed oo hagaagsan. Taasina waxay la timid is-baddalka iyo horumarka ay ku naaloonayaan dadka reer Rwanda.
Waana go’aanka mid kasta oo hoggaanka dalka Soomaaliya la wareega – kan suura-galin kara inaan qaadno wadada ay ku taagan tahay Rwanda ama aan ku jirno nolosha dhalanteedka ah ee hadafkeedu gaaban yahay.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!