crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ol’olaha Umuganda ee Rwanda – Singapore-ta Afrika ee Mustaqbalka. | HimiloNetwork

Ol’olaha Umuganda ee Rwanda – Singapore-ta Afrika ee Mustaqbalka.

Kigali (Himilonews) – Ereyga Umuganda waxaa micno ahaan lagu soo koobi karaa; iskugu imaatinka hadaf guud si loo gaaro natiijo muuqata. Gudaha dhaqanka Rwanda, xubnaha kala duwan ee ku jira bulshada ayaa isugu yeera ehellada, asxaabta iyo deriska si ay isaga kaalmeeyaan dhameynta howl-gal adag.
Kaqeyb noqoshada dadaalka lagu dhisayo dalka Rwanda iyo in la wadaago heybta dalnimo, dowladdu waxay jideysaa mashaariic kala duwan oo marba xoogga lagu saaro; horumariyo bulsho iyo deegaan si loola simo deegaannada kale ee dalka.
Umuganda ayaana kamid ah mashaariicda lagu beegsado mashruuca horumarineed ee deegaanka. Micnaha casriga ah ee Umuganda waxaa lagu qeexi karaa howl-gal bulsho – Community work. Dhamaadka Sabtida ugu danbeysa bil kasta, bulshada ayaa isku timaada si ay u fuliyaan howl gaar ah oo danta guud kamid ah. Tani waxaa aalaba ku jira horumarinta dhismaha jidadka iyo kahor tagga iyo ilaalinta faya-dhowrka deegaanka.
Da’da muwaadiniinta Rwanda ee u dhaxeysa 18 jir iyo 65 jir ayay ku tahay waajib inay ka qeyb ka noqdaan Umuganda. Xattaa dadka qaxootiga ku jooga dalka ayaa lagu dhiirri-geliyaa inay kasoo qeyb-galaan.
Maanta 80% dadka reer Rwanda ayaa ka qeyb-gala mashruuc bileedka – Umuganda. Natiijaduna waxay noqotay in lagu guuleysto dhismayaal badan oo danta guud ah kuwaas oo maanta loogu adeego muwaadiniinta. Kaalinta mashruucani kasoo galay horumarka dalka taniyo sanadkii 2007 ayaa lagu qiyaasay adduun gaaraya US $60 million.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!