crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sucuudi Carabiya oo dhisaysa Goobo Madadaalo | HimiloNetwork

Sucuudi Carabiya oo dhisaysa Goobo Madadaalo

Riyad (Himilonews) – Wadanka Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay in ay qorsheynayaan dhismaha goobo madadaalo oo laga dhisayo kooforta magaalada caasimadda ah ee Riyaad.
Dhismahan baaxaddiisa ayaa gaaraya 334km wareeg ah.  Waxaana loogu tala-galay  in lagu soo bandhigo ciyaaraha, dhaqanka iyo goobo kale oo mad daalo sida hoteello iyo beero.
Mohammed bin Salman oo ah dhaxal-sugaha boqortooyada oo lahadlay wakaaladda wararka SPA ayaa sheegay in dhismooyinkan ay noqon doonaan kuwo dadka dhan ka dhaxeeya waxayna soo gabagaboobi doonaan dhismahoodu 2018 halka xafladda furitaankana la qaban doono 2022.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in lasiin doono dhul maal-gashadayaasha gudaha iyo dibadda si dhaqaalaha dalka loo kobciyo.
Magaaladan ayaa noqon doonta meel laga helo waxyaabaha dhaqanka u ah bulshada, waxa ayna muhiim u noqon doontaa boqortooyada waqtiyada soo socda, Maxamed Bin Salman ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.
Jim Reid-Anderson oo ah agaasimaha kambaniga dhismahan fulinaya ayaa sheegay in beeraha dal-xiiskan ay ku kici doonaan qiimo dhan $300m ilaa $500m.Barnaamijka loo yaqaanno Six Flags oo ah barnaamij madadaalada ka shaqeeya oo laga leeyahay Mareykanka ayaa sanadkii hore bishii June waxa uu ku dhawaaqay in wadanka Sucuudiga ay ka dhisi doonaan beero dalxiis – iyaga oo sheegay inay fulinayaan himilada Sucuudiga ee 2030 oo ah in dhaqaalaha dalkani loo leexiyo dhanka maal-gashiga.
Sucuudiga ayaa rajeynaya inay ka maarman 2030 ku tiirsnaashaha shidaalka iyo inay shaqo u abuuraan dhalin yarta shaqa la’aanta ah.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Qore: Ali Abdulle Hilowle.
Kala xiriir: farriin-danabeed; calikaafi9@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!