crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 82 qofood oo mar qura ku Islaamay gudaha Nigeria. | HimiloNetwork

82 qofood oo mar qura ku Islaamay gudaha Nigeria.

Lagos (Himilonetwork) – Munaasabad laba maalinle ah oo ay qabatay Akadeemiyadda Fidinta Dacwada Islaamka ee Nigeria ACADIP ayaa kusoo idlaatay guul kadib markii 82 qof oo Masiixi ah ay kusoo Muslimeen.
“Taariikhdeenna dacwada aan wadnay muddo 23 sano ah waa markii ugu horreysay oo dhacdadan oo kale ay nasoo marto – halkaas oo tiro badan ay wadar-wadar kusoo Muslimeen,” ayaa lagu qoray barta Akadeemiyadda.
“Waxay ahayd mid ballaaran.”
Dhacdada labada maalinle ah oo la qabtay 17th & 18th bisha November waa middii ugu danbeysay isla bishan.
tirada Muslimiinta cusub ee labadan bilood Nov-Dec waxay sare u kacaysaa 124 qofood.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!