crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> August | 2020 | HimiloNetwork

Monthly Archives: August 2020

Innaga iyo YARYARKA.

MUQDISHO (HN) — Hoosta waxba ha iigu qaban. Kaama hadlayo adiga. Kamana hadlayo aniga. Waxna kama ogi iyaga. Waxna nooma oga iyagana. Oo waa yaabe; maxaan kuugu afeefanayaa marka?! Sababtoo ah waxaan ogahay inaad durba maskaxda u xawishay meeshii loo badnaa malaheeda. Ha walwalin. Wax daran sheeg kuma ihi iyaga. Waxaase aan doonayaa inaan caddeeyo saameynta aan la wada ogeyn ...

Read More »

Wixii aan ku arkay Xeryaha Qaxootiga.

DHADHAAB (HN) — Gabagabada warbixintayda, waxaan hubaa inaad su’aal ka keeni doontid magaca xeryaha qaxootiga. Waayo muuqaalka aan kuu sawiri doono iyo magaca loogu yeero aad bay xaqiiqdii isku weydaaran yihiin. Fiid danbe oo caweysku bilow yahay ayaan nimid Dhadhaab innaga oo saaran gaari aan kasoo raacnay Garissa. Intii aan soo haynay jidka boorka iyo kadankoodka badan, waxaa ii sawirnaa ...

Read More »

Wixii aan ku arkay Dhoobleey!

DHOOBLEEY (HN) — Been kuma hadal kuwii yiri: magaalo xuduud baa laga degaa ama xeeb. Waayo magaaladani waxay dhammeystiri kartaa dhammaanba baahiyaha aas-aasiga ah iyo kuwa dheeriga ah oo qof walba u baahan yahay. Maalintaydii koowaad oo aan kasoo galay dhanka xadka dalku kala wadaago Kenya, waxaa aad iiga yaabiyay is-beddelka dhismo iyo degaan ahaaneed ee ku dhacay magaalka muddo ...

Read More »

Muslimiinta Ireland oo kaalmeynaya Darbi-jiifta dalkaas.

NAIROBI (HN) — Afartii sanno ee lasoo dhaafay, koox Muslimiin ah oo la yiraahdo Muslim Sisters of Eire (MSOE) ayaa si toddobaadle ah waxay cunnooyin bisil ugu qeybiyaan dibjirta ama darbi-jiifta ku nool caasimadda Dublin, dalka Ireland. Markii uu baahay xanuunka Covid-19, si kastaba, kooxdan ayaa ogaatay in tirada dadka aan heysan cunno ku filan ay soo kordheen. “Toddobaadkii tagay, waxaan ...

Read More »

Masjid hoy u fidinaya Darbi-jiifta UK.

MUQDISHO (HN) — Bilihii lasoo dhaafay Muslimiinta UK ayaa horboodaya dadaallo lagu kaalmeynayo danyarta iyo qoysaska ayaanka liita kuwaas oo xanuunka Covid-19 uu noloshooda saameyn ku reebay. Hayeeshe, Masjid ku yaalla waqooyi bari England ayaa tallaab weyn horay uga sii qaadaya ol’olahaas kaddib markii ay sariiro ay jiifsadaan dibjirta. Qorshuhu wuxuu markii hore ahaa in masjidku uu magan-geliyo bukaannada la ...

Read More »

Yididiiladii Aabahay.

MUQDISHO (HN) — Waayihii adkaa oo ay hooyaday noloshayda kasoo martay marwalba oo aan xusuusto, waxaa sidoo kale ii sawirma sawir qurux badan oo ay nolosha aabbahay iiga sheegi jirtay. Kahor intaanu af-gembiga dhicin, aabbahay wuxuu ahaa da’yar goor hore oo noloshiisa kamid ah ku guuleystay inuusan kaliya maareyn nolosha qoyskiisa iyo tan waalidkiisa, balse sidoo kale ku guuleystay inuu ...

Read More »

La kulan: Ninka Ugu Shidan Afrika.

NAIROBI (HN) — James Maina Mwangi, ilaa iyo hadda wuxuu aaminsan yahay inuu yahay ninka ugu shidan qaaradda Afrika ama xittaa adduunyada oo dhan. Markaad dhab u fiiriso hab labiskiisa cajiibka ahna, way adag tahay in lagu gacan-seyro. Markii uu soo degay Nairobi, Mwangi wuxuu kaliya qabay hal shaar, dadkuna way ku qosli jireen waayo aabihii wuxuu ahaa qof qaran ...

Read More »

La kulan: Gabadha xiriirka joogtada ah la leh Masaska.

JAVA (HN) — Dad badan majecla inay dhaayaha ku qabtaan mas nool, iskaba daa inay xanaaneystaane, hayeeshe, 14 jir lagu magacaabo Chalwa Ismah Kamal kuma jirto dadkaas. Waxay jeceshahay inay dhaqato ama xanaaneyso masaska. Waxaana sababtaas awgeed ay caan ka noqotay gudaha dalkeeda Induniisiya iyo qeyb ahaan baraha bulshada sida barteeda Instagram-ka. Xiriir maalinle ah ayaa dhex mara iyada iyo ...

Read More »

Sawiro — Sababta Guri labadiisa dhinac loo mariyay Buundo.

BEIJING (HN) — Kaabad ama buundo cusub oo laga dhisay waddanka Shiinaha ayaa soo jiidanaysa indhaha dadyowgaas. Waxaana sheekadeedu ay sameysay hadal-heyn qaran gudaha Shiinaha. Sababta oo ah waxaa laga dul dhisay guri dherer ahaan u dhuuban oo ninkii lahaa uu iska diiday inuu ka guuro. Dhaqanka Nail House oo ah in dadka laga daadgureeyo goob cayiman lana dejiyo goob ...

Read More »

Go’aankii Maqaamka Hagia Sofia oo saameyn kara Muslimiinta Giriiga.

MUQDISHO (HN) — Muddo badan, Athens oo ah caasimadda Giriiga waxay ahayd magaala-madaxda kaliya oo Yurub kamid ah oo aan lahayn masjid maadaama dhammaan masaajiddii Khilaafada Cusmaaniyiinta loo beddelay matxafyo lagu keydiyo raadadka taariikhdii hore. Muslimiinta Athens waxay riyadoodii ahayd inay helaan masjid weyn oo ay ku wada dukadaan miiska soo saareen sannadkii 2007. Hayeeshe, kooxaha xagjirka ah iyo xisbiga ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!