MUQDISHO (HN) – Haweeney Muslimad ah ayaa ku eedeysay dhakhaatiirta ka shaqeeya Isbitaalka Ursula Horman Memorial inay ku amreen inay iska bixiso xijaabkeeda kahor inta aan la siinin daawooyinka isbitaalka.
Muuqaalka haweeneydan laga duubay oo soo baxay Talaadadii, 9-ka Juun waxaa la arkayaa iyada oo ka qisoonaysa dhacdada. Waxay sheegtay in kadib sugitaan dheer oo qiyaastii 30 ilaa 60 daqiiqo kadib ah lambarkeedii loo yeeray: labo dhakhtar oo dumar ah ayaa intaas kaddib ku war-geliyay inay qasab tahay inay iska bixiso xijaabka sababo la xiriira ‘arrimo amni’ maadaama xatooyo badan ay ka dhacaan gudaha isbitaalka.
Haweeneyda ayaa tiri: “Waxaan fahmi karaa haddii la iga codsado inaan iska siibo af-saabka, laakiin xijaabka iska bixi?”
Waxay sheegtay inay doonayso inay arrintan gaarsiiso maamulka sare ee isbitaalka, iyada oo ku tilmaantay xeerkaas mid “aan sal lahayn iyo raad toona ku lahayn xeerarka sugitaanka amniga”.
“Miyay u maleeyaan inaan boorso halkaan ku qarinayo?‘ ayay tiri iyada oo madaxeeda tilmaamaysa.
Waxay sidoo kale xustay in kaamarado amni ay ku rakiban yihiin isbitaalka. Waxayna su’aal gelisay sababta loogu baahan yahay amar noocaas ah iyada oo goobta la kormeero.
“Haddii ay xatooyo dhacayaan, maxaa annaga naga khuseeya? Marba haddii kaamarado la rakibay, maxaa laga baqayaa?” ayay weydiisay.
Haweeneydu waxay ku doodday in xeerkan si gaar ah loogu dabaqayo haweenka Muslimiinta ah.
“Gabdhaha iyo haweenka Hinduuga ah dhammaantood way galayaan. Maxaa Muslimiinta oo keliya loo bartilmaameedsanayaa?” ayay tiri iyada oo dhacdadan ku tilmaantay takoor ka dhan ah gabar walba oo Muslimad ah.
Ilaa hadda maamulka isbitaalka sooma saarin war war rasmi ah oo ku saabsan eedeymahan.
Muuqaalkan ayaa sii huriyay doodaha ku saabsan xorriyadda diinta, habraacyada amniga ee hey’adaha dadweynaha iyo suurtagalnimada takoor ka dhaca goobaha adeegyada caafimaadka.