HomeWararkaMashruuca Danwadaag: Guriga Waayeelka iyo Dhalinyaradu isku dhaafsadaan Duruufaha Nolosha

Mashruuca Danwadaag: Guriga Waayeelka iyo Dhalinyaradu isku dhaafsadaan Duruufaha Nolosha

MUQDISHO (HN) – Guri daryeel oo loogu tala-galay dadka waayeelka ah oo ku yaalla Dalka Netherlands ayaa la yimid qorshe cusub oo hal-abuur leh. Si uu ardayda jaamacadaha ugu dhiirri-geliyo inay la fal-galaan dadka da’da ah, wuxuu Gurigan ardayda siinayaa guryo yaryar oo ay si bilaash ah ugu noolaadaan, iyaga oo beddelkeeda looga baahan yahay inay ugu yaraan 30 saacadood bishii waqti la qaataan deriskooda waayeelka ah!

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Guriga Howlgabka ee Humanitas ee magaalada Deventer, ardaydu waxay ka qeyb-qaataan howlo kala duwan oo ay la sameeyaan dadka waayeelka ah, sida daawashada ciyaaraha, u dabaaldegga maalmaha dhalashada, iyo la joogista marka ay xanuunsan yihiin.

Waa nidaam faa’iido u leh labada dhinac: ardaydu waxay helayaan hoy bilaash ah, halka dadka waayeelka ahna laga caawinayo inay ka baxaan kelinimada iyo ka go’doonsanaanta bulshada.

Madaxa Humanitas, Gea Sijpkes, ayaa tiri: ‘Waa muhiim inaan dadka waayeelka ah laga go’doomin dunida dibadda. Marka aad tahay 96 jir jilbo xanuun ka sheeganaya – si fududna aan uga bogsan karin xanuunkaas – dhaqaatiirtu wax badan kuuma qaban karaan. Laakiin waxaan sameyn karno ayaa ah inaan jawi qofku ku ilaabo xanuunkiisa u abuurno. Ardaydu waxay gudaha keenaan nolosha dibadda. Waxaana is dhexgalkaas ka abuurma diirranaan iyo farxad badan.

Hadda waxaa gurigaas deggen lix arday oo ka kala socda jaamacadaha Saxion iyo Windesheim oo la nool qiyaastii 160 qof oo waayeel ah.

Ardayda waxaa loo oggol yahay inay si xor ah usoo galaan ugana baxaan guriga, isla markaana ay saaxiibbadood soo casuumaan. Hal shuruud oo keliya ayaa jirta: inaanay dadka kale dhibin.

Masuulka howlaha bulshada, Arjen Meihuizen ayaa sheegay in ardaydu: la sheekeystaan dadka waayeelka ah oo ay la cayaaraan cayaaro kala duwan. Waxaa intaas dheer inay u raacaan suuqyada wax laga iibsado isla markaana u adeegaan.

Waxay sidoo kale fiidkii u kariyaan cuntooyin fudud, kana qeyb-qaataan howlo kale oo xiiso leh.

Mid kamid ah ardayda, oo la yiraahdo Jordi wuxuu mar koox waayeel ah geeyay beerta guriga, wuxuuna siiyay daasadaha rinjiga lagu buufiyo si ay u bartaan farshaxanka graffiti-ga.

Arday kale oo lagu magacaabo Jurrien ayaa toddobaad kasta casharro kombiyuutar siiya nin 85 jir ah oo la yiraahdo Anton Groot Koerkamp. Anton ayaa si farxad leh u yiri: ‘Hadda waxaan diri karaa farriin-danabeedyo kala duwan, waxaan geli karaa internetka; muuqaallo ayaan daawan karaa. Facebook-na waan isticmaali karaa.”

Fikradda Mashruucan waxay bilaabatay labo sano kahor markii arday jaamacadeed oo lagu magacaabo Onno Selbach uu codsaday hoy, isaga oo ka cabanayay xaaladda liidata ee guryaha ardayda. Gea Sijpkes ayaa ka jawaabtay codsigiisa waxayna si wadajir ah u hindiseen barnaamijkan is-weydaarsiga.

Ardayduna aad ayay ugu qanacsan yihiin qorshahan. Ardayad 22 jir ah oo baratay saxaafadda laguna magacaabo Denise ayaa tiri: “Ma ahan oo kaliya inaan kirada bixin karin, balse sidoo kale waxaan jeclahay la shaqeynta dadka waayeelka ah maadaama qolalka ardaydu yaryihiin – qaali yihiin; mararka qaarkoodna wasaq badan yihiin. Tani hubaashii waa beddel aad u wanaagsan.”

Jurrien ayaa isaguna yiri: “400 oo Euro waxaan ku heli lahaa qol ka yar 10 mitir oo laba jibbaaran – aniga oo musqusha iyo jikada la wadaagaya dadka kale. Balse halkan waxaan ku heystaa meel labo jeer ka weyn. Waxaana leeyahay jiko iyo musqul ii gooni ah.”

Mashruucan ayaa loo arkaa tusaale wanaagsan oo isku xiraya laba jiil oo kala duwan isla markaana xallinaya laba dhibaato oo waaweyn: hoy la’aanta ardayda iyo kelinimada dadka waayeelka ah.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments