crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjid hoy u fidinaya Darbi-jiifta UK. | HimiloNetwork

Masjid hoy u fidinaya Darbi-jiifta UK.

MUQDISHO (HN) — Bilihii lasoo dhaafay Muslimiinta UK ayaa horboodaya dadaallo lagu kaalmeynayo danyarta iyo qoysaska ayaanka liita kuwaas oo xanuunka Covid-19 uu noloshooda saameyn ku reebay.

Hayeeshe, Masjid ku yaalla waqooyi bari England ayaa tallaab weyn horay uga sii qaadaya ol’olahaas kaddib markii ay sariiro ay jiifsadaan dibjirta. Qorshuhu wuxuu markii hore ahaa in masjidku uu magan-geliyo bukaannada la xanuunsan cudurka Corona iyo wixii la halmaala.

Balse markii Isbitaalka weyn ee Manchester uu ku dhawaaqay in saiiro ku filan bukaannada ay yaaliin, waxaana markaas kaddib loo weeciyay in lagu kaalmeeyo dadka darbi-jiifta ah.

Mana ahan markii ugu horreysay oo Masaajidda Britain ay kaalmo u fidiyaan bulshada inteeda nugul.

Toddobaadyadii ina dhaafay, dhowr masjid oo UK ku yaal ayaa gargaar cunno qeybin ah u sameeyey dadka danyarta ah oo uu bandawga jira uu saameeyey.

Samafalayaasha masaajidda ayaa cunnooyin bisil iyo agabka iyo agabyada lagu ilaaliyo bedqabka qofka u qeybiyay xubnaha da’dooda ka sarreyso 65 jir kuwaas oo sida muuqata nugul u ah xanuunka Corona Virus.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!