crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Ireland oo kaalmeynaya Darbi-jiifta dalkaas. | HimiloNetwork

Muslimiinta Ireland oo kaalmeynaya Darbi-jiifta dalkaas.

NAIROBI (HN) — Afartii sanno ee lasoo dhaafay, koox Muslimiin ah oo la yiraahdo Muslim Sisters of Eire (MSOE) ayaa si toddobaadle ah waxay cunnooyin bisil ugu qeybiyaan dibjirta ama darbi-jiifta ku nool caasimadda Dublin, dalka Ireland.

Markii uu baahay xanuunka Covid-19, si kastaba, kooxdan ayaa ogaatay in tirada dadka aan heysan cunno ku filan ay soo kordheen.

“Toddobaadkii tagay, waxaan qeybinay 450 cunnooyin bisil ah iyo 400 koob oo shaah ah. Labadii toddobaad ee sii kala danbeeyey waxay tiradoodu ahayd 375 iyo 350,” Lorraine O’Connor,  oo ah hormuudka kooxdan ayaa u sheegtay The Times.

“Mararka waxaad dareemeysa inaysan ku filneyn inta aan u qoondeyso, waayo waxay u baahan yihiin waxa

O’Connor waxay sheegtay in kahor inta uusan bilaaban faafista xanuunka Corona, dadka ay Jimce walba gargaarka u sameeyaan ay gaarayeen 200 oo qof.

Waxay dowladda ka codsatay inay dhugasho gaar ah ku eegaan nolosha iyo xaaladda adag oo waqtigan ay wajahayaan darbi-jiifta Dublin.

Ku dhawaa 26,000 oo qof ayuu ku dhacay xanuunka Covid-19, waxaana uu galaaftay nolosha 1,000 qofood ka badan.

Marka loo eego Pew Research Center, Muslimiinta Ireland waxay gaarayaan 70,000.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!