crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Go’aankii Maqaamka Hagia Sofia oo saameyn kara Muslimiinta Giriiga. | HimiloNetwork

Go’aankii Maqaamka Hagia Sofia oo saameyn kara Muslimiinta Giriiga.

MUQDISHO (HN) — Muddo badan, Athens oo ah caasimadda Giriiga waxay ahayd magaala-madaxda kaliya oo Yurub kamid ah oo aan lahayn masjid maadaama dhammaan masaajiddii Khilaafada Cusmaaniyiinta loo beddelay matxafyo lagu keydiyo raadadka taariikhdii hore.

Muslimiinta Athens waxay riyadoodii ahayd inay helaan masjid weyn oo ay ku wada dukadaan miiska soo saareen sannadkii 2007. Hayeeshe, kooxaha xagjirka ah iyo xisbiga mayalka adag ayaa hor istaag ku sameeyey inay riyadaasu rumowdo.

Go’aankii dhawaa oo dowladda Turkiga ay dib ugu celisay maqaamka Hagia Sofia Masjid Jaamaca Istanbul ayaa sidoo kale xaaladda sii hurinaysa. Hadda, Muslimiinta Giriiga, ayaa ka cabsi qaba in tallaabtaas ay saameyn doonto qorshahoodii ahaa inay helaan Masjid Jaamac laga dhiso gudaha caasimadda Athens.

“Waxay ila tahay tallaabtii uu Turkigu ku qaatay inuu Hagia Sofia ku celiyo Masjidkii ay ahayd inuu saameyn weyn ku yeelan doono qorshihii aanu toban sanno ka badan soo wadno inaan ku helno Masjid,” ayuu yiri Imam Atta-ul Naseer, oo sidoo kale xarun ganacsi ku leh bartamaha caasimadda Athens.

Masjidka sida rasmi ah uga dhismi doona Giriiga wuxuu noqon doonaa minaarad la’aan, waxaana kormeer joogto ah ku heyn doona dowladda.

Kumaankun Muslimiin ah ayaa ku nool dalka Giriiga iyo sidoo kale caasimadda Athens. Waxaana xusid mudan inay ku dukadaan mowlacyo ay gooni gooni ugu dukadaan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!