MUQDISHO (HN) — Xilli cudurka Covid-19 ay dunida dagaal adag kula jirto cirib-tirkiisa iyo xakameyntiisa, qoysas badan wuxuu noloshooda ka dhigay cuuryaan. Waxaana ku adag inay helaan cunnooyin ay ku samata-baxaan inta lagu jiro bandowga.
Hayeeshe, gudaha magaalada Melbourne, koox haween Muslimiin ah ayaa go’aansaday inay bulshada caawiyaan – iyaga oo sidoo kale jebinaya aragtida liidata ee laga heysto dumarka.
Subax kasta oo Jimce ah waxay isaga kala yimaadaan daafaha magaalada si ay cunnooyin ugu sameeyaan qoysaska ayaanka liita kuwaas oo bandowga jira uu si ba’an u raadeeyey noloshooda.
Afshan Matoo ayaa tiri: “Waxaa jira aragti qaldan oo laga heysto haweenka xijaaban oo ah inaanay waxba geli karin. Marka qof uu wax ka qaadanayo, waxaa lagu yiraahdaa; ‘waa arrin fiican in haweeney Muslimad ah ay camal fiican sameyso.”
Cuntooyinka oo bisil ayaa lagu gufeeyaa ‘cabeeyaa’ baakado si saddexda maalin ee xigta ay ugu samata-baxaan qoysaska danyarta ah. Waxaana xusid mudan in markay shaqada ku guda-jiraan ay qaataan gafuur-xir iyo wixii lamid ah.
Mashruucoodu waa mid u furan qof walba – caddaan, Hindi iyo madow intaba.
Dadaallada ay Muslimiintu ka wadaan dunida dacalladeeda xilli xaalado adag ay wajahayaan danyar badan waxay noqdeen kuwo laga mahad-naqay.


You must log in to post a comment.