crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> March | 2019 | HimiloNetwork

Monthly Archives: March 2019

Sababta Itoobiyaanku Hilibka ugu cunaan Ceyriin!

ADIS ABABA (HN) — Inta badan dunida, dadka waxaa la baraa in cunista hilibka ceyriinka ah uu u daran yahay – iyada oo laga eegayo halistiisa sarreysa maadaama uu hoy u yahay noolayaal ilma-aragti ah sida bacteria iyo cayayaanno kale. Balse gudaha Itoobiya, cunista hilibka ceyriinka ah wuxuu ka joogaa meel sare. Marka aad marayso waddooyinka caasimadda, la yaab malahan ...

Read More »

Asluubta Ciidanka ayaa ka horreysa Sugidda AMNIGA Qaranka.

MUQDISHO (HN) — Qaraxyada iyo xirnaanshaha waddooyinku marwalba waa dhibaatooyinka aad maqasho iyaga oo laga soo werinayo magaalada Muqdisho. Waxaase jirta halis kale oo dadka caasimadda ku nool ay waaya’arag ku noqdeen taas oo kaga timaada ciidamada dowladda ee isugu jira boolis iyo milatari intaba. Hayeeshe, maadaama aan laga baahin warfaafinta – gudaha iyo dibadda – in badan bulshada xittaa ...

Read More »

Ofa Tu’ungafasi oo qaatay diinta Islaamka.

Christchurch (HN) — Ciyaaryahanka kooxda All Black Rugby, Ofa Tu’ungafasi ayaa qaatay diinta Islaamka, kaddib markii uu saaxiibkiis Sonny William ay wada booqdeen bukaannada dhaawacyada ay kasoo gaareen weerarkii Masjidka. “Allahu Akbar; maanta waxaa diinta Islaamka soo galay Sonny William hooyadiis iyo Saaxiibkiis Offa Tu’ungafasi. Ilaahay ha ugu bishaareeyo Jannada Fardowsa,” ayuu yiri John Fontain. Laacibka kooxda All Black wuxuu ...

Read More »

Saxafi – si uu u sahmiyo nolosha darbi-jiifta – iskaga dhigay dib-jir muddo 60 cisho ah.

LONDON (HN) — Ed Stafford, oo ah kabtan hore ee katirsan ciidamada Britain ayaa dhawaan galay tijaabo ku dhan 60 maalmood oo uu ugu kuur-galayo nolosha ay ku nool yihiin darbi-jiifta ku nool magaalooyinka Britain. Hadafkiisu wuxuu ahaa inuu shaqsi ahaan ula soo noolaado waaya’aragnimada xanuunka leh ee ku jirta noqoshada darbi-jiif gidaarada ku hoyda habeen walba. Balse wuxuu la ...

Read More »

La kulan – Macalinkii Maskaxdiisa iyo Mushaharkiisa isugu daray horumarinta bulshadiisa.

DUBAI (HN) — Macalin dhiga xisaabta iyo fiisigiska oo ku nool gobalka Rift Valley dalka Kenya ayaa ku guuleystay abaal-marinta halka milyan ee Macalinka Dunida, sida ay sheegeen qaban-qaabiyaal. Peter Tabichi oo qaban-qaabiyaasha madashan ay sheegeen in 80% hantidiisa uu u hibeeyey danyarta ayaa ku guuleystay abaalmarintan oo lagu qabtay Dubai. “Maalin walba Afrika waxaa ka furmaya bog cusub oo ...

Read More »

Daawo – Isbitaal lagu daryeelo Maroodiga oo laga furay Hindiya.

Delhi (HN) — Markii ugu horreysay, sannadkii 2018-ka, Hindiya waxaa laga furay Isbitaalka Maroodiga – si daryeel iyo baxnaano caafimaad loo siiyo qeybtan duur-joogta kamidka ah ee dabargo’a iyo daqaradda aadmiga dhibane u ah. War fiican ayaana durba kasoo yeeray Hindiya oo ah in ku dhawaad 28 Maroodi loo fidiyay dhammaan nuucyada daryeelka caafimaad oo ay u baahnaayeen. Ururka helay ...

Read More »

12.5 milyan oo Muslimiin ah ayaa dhintay 25-kii sano ee lasoo dhaafay!

Istanbul (HN) — 25-kii sano ee lasoo dhaafay, ku dhawaad 12.5 milyan oo Muslimiin ah ayaa ku dhintay dagaallada dunida ka jira, sida uu yiri wadaad Turki ah. Refik Turan, oo ah madaxa Turkish Historical Society ayaa isaga oo ka hadlayay shir lagu qabtay Istanbul wuxuu sheegay in geeddi-socodka taariikhda marka la eego, aadmigu uu soo waday dirirta; dagaalladana ay ...

Read More »

Dagaalka Kenya ee ka-dhanka-ah Isgaarsiinta Soomaaliya.

Nairobi (HN) – Kenya waxay dagaal qorsheysan oo laba weji ah kula jirtaa Soomaalida. Mid waa dagaalka duqeymaha u badan oo ay la beegsato al-Shabaab kaas oo ay ku naf waayaan dad iyo duunyo aan waxba galabsan oo reer guuraa u badan; iyo mid ay kusoo qaatay war isgaarsiinta Soomaaliyeed. Xad beenaadka dalku la wadaago Kenya ee dhererkiisu gaarayo 700 ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!