HomeMuuqaalladaDaawo - Isbitaal lagu daryeelo Maroodiga oo laga furay Hindiya.

Daawo – Isbitaal lagu daryeelo Maroodiga oo laga furay Hindiya.

Delhi (HN) — Markii ugu horreysay, sannadkii 2018-ka, Hindiya waxaa laga furay Isbitaalka Maroodiga – si daryeel iyo baxnaano caafimaad loo siiyo qeybtan duur-joogta kamidka ah ee dabargo’a iyo daqaradda aadmiga dhibane u ah.


War fiican ayaana durba kasoo yeeray Hindiya oo ah in ku dhawaad 28 Maroodi loo fidiyay dhammaan nuucyada daryeelka caafimaad oo ay u baahnaayeen. Ururka helay Isbitaalkan waxaa la yiraahdaa Wildlife SOS. Waana mid aan faa’iido doon ahayn kaas oo samafalka daryeelka duur-joogta soo waday taniyo 1995-kii.

Isbitaalku kaliya ma caawiyo maroodiga, wuxuu sidoo kale daryeel u sameeyaa dhammaan duurjoogta iyo noolaha kale ee ku dhaqan duurka.

Maroodiga ayaa si kastaba, ku jira xaalad halis ah maadaama aad loogu adeegsado rarashada iyo dalxiiska duurjoogta. Waxaana qaar badan ay u naafoobaan dhaawacyo soo gaaray ama lagu dhigay. Qaarna waa ay u dhintaaan.

Halkan haddaba ka daawo muuqaal laga sameeyey sheekada Isbitaalka Maroodiga Hindiya ku nool loo furay.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments