Istanbul (HN) — 25-kii sano ee lasoo dhaafay, ku dhawaad 12.5 milyan oo Muslimiin ah ayaa ku dhintay dagaallada dunida ka jira, sida uu yiri wadaad Turki ah.
Refik Turan, oo ah madaxa Turkish Historical Society ayaa isaga oo ka hadlayay shir lagu qabtay Istanbul wuxuu sheegay in geeddi-socodka taariikhda marka la eego, aadmigu uu soo waday dirirta; dagaalladana ay noqdeen kuwa aan laga fursan karin.
Turan ayaa sidoo kale sheegay in Iran, Ruushka iyo Maraykanka aanay dooneyn in nabad laga gaaro dalka Siiriya.
You must log in to post a comment.