crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Saxafi – si uu u sahmiyo nolosha darbi-jiifta – iskaga dhigay dib-jir muddo 60 cisho ah. | HimiloNetwork

Saxafi – si uu u sahmiyo nolosha darbi-jiifta – iskaga dhigay dib-jir muddo 60 cisho ah.

LONDON (HN) — Ed Stafford, oo ah kabtan hore ee katirsan ciidamada Britain ayaa dhawaan galay tijaabo ku dhan 60 maalmood oo uu ugu kuur-galayo nolosha ay ku nool yihiin darbi-jiifta ku nool magaalooyinka Britain. Hadafkiisu wuxuu ahaa inuu shaqsi ahaan ula soo noolaado waaya’aragnimada xanuunka leh ee ku jirta noqoshada darbi-jiif gidaarada ku hoyda habeen walba. Balse wuxuu la kulmay wax uusan waligiis ku fikirin.


Ku dhawaad 60 maalmood ayuu seexan jiray gidaarrada, wuxuuna sheekadiisa waaya’aragnimada filim ahaan uga soo daayay fogaan-araga Channel 4. In kasta oo uu saxafigani sheegay inuu darbi-jiifta ka maqlay sheekooyin xanuun leh oo la xiriira isticmaalka maandooriyaha, haddana waxa ka yaabiyay ayaa in mid walba oo dib-jirta katirsan uu habeen walba soo xeraysan jiray 260$ lacag dhan; waxa si aan kala joogsi lahayn ay cunnooyin iyo deeq kalaba ka helaan dadka lugeynaya iyo ganacsatada goobaha ay ku nool yihiin.

“Waxaan soo arkay waa cajiib. Runtii nolosha darbi-jiiftu uma adka sida mararka qaar laga maleyn karo,” ayuu yiri. “Kolkol waxay sameynayaan lacag ka badan midka uu shaqeeyo qofka caadiga ee London ku nool.”

Cunnadu ma ahayn mushkilad ay ka sheegtaan marnaba. Markii Stafford uu bilaabay tijaabadiisa darbi-jiifnimada 60-ka maalin, wuxuu ka cabsi qabay inuu caatanimo u dhinto; balse wuxuu soo dhammeystay tijaabadiisa isaga oo ka cayilan siduu ahaa awal. Waayo dadka samaha jecel ayaa marwalbaba cunnooyin siiya dib-jirta.

Qaar badan ayaa Stafford ku dhaliilay inuu gudbinayo sawir qaldan oo la xiriira nolosha darbi-jiifta, balse wuxuu ku adkeystay in wixii uu soo helay aanay dhammaanba ka dhigneyn nolosha dhabta ah ee ka jira gidaarada. Waayo wuxuu yiri; ‘waxaan ogaa inaan shaqooyin kale leeyahay; ehelna ay ii joogaan oo ay qasab tahay inaan marmar ku laabto si aanay iiga walwalin.’

Jiritaanka xaalado adag oo ka jira nolosha darbi-jiifnimada, ayuu yiri, xittaa kama horjoogsan in badan inay doortaan noqoshada darbi-jiif.


error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!