crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ofa Tu’ungafasi oo qaatay diinta Islaamka. | HimiloNetwork

Ofa Tu’ungafasi oo qaatay diinta Islaamka.

Christchurch (HN) — Ciyaaryahanka kooxda All Black Rugby, Ofa Tu’ungafasi ayaa qaatay diinta Islaamka, kaddib markii uu saaxiibkiis Sonny William ay wada booqdeen bukaannada dhaawacyada ay kasoo gaareen weerarkii Masjidka.


“Allahu Akbar; maanta waxaa diinta Islaamka soo galay Sonny William hooyadiis iyo Saaxiibkiis Offa Tu’ungafasi. Ilaahay ha ugu bishaareeyo Jannada Fardowsa,” ayuu yiri John Fontain.

Laacibka kooxda All Black wuxuu kasoo jeedaa Tonga.

Tu’ungafasi wuxuu waqti badan maalmahan la qaadanayay saaxiibkiis Sonny – oo inta badan ay ku bixinayeen booqashada iyo la socodka xaaladaha dhaawacyada Muslimiintii lagu soo weeraray Masjid ay ku cibaadaysanayeen.

New Zealand waxaa ku nool Muslimiin aan badneyn oo kasoo jeeda qaaradda Aasiya.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!