crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> June | 2017 | HimiloNetwork

Monthly Archives: June 2017

Xaflad Xiritaan oo loo qabtay Ardaydii ka qeyb-gashay Tartankii Qur’an Aqris.

Muqdisho (Himilonews) – Markii ugu horraysay taniyo markii la aas’aasay idaacadda Himilo ee magaalada Muqdisho, waxaa maanta ay qabatay xaflad tartan xiritaan oo loo qabtay arday gaaraysa 30 kuwaas oo ku tartamay 114 Qur’anka. Tanina waa natiijada ka dhalatay dhowr 10 cisho oo ardaydani xarunta Idaacadda ku galayeen tartanka kaas oo kusoo af-meermay jawi dagan. Munaasabadda waxaa kasoo qeyb-galay marti ...

Read More »

Baroordiiq loo sameeyey Muslimad lagu dilay Texas

Dallas (Himilonews) – Tiro badan oo isugu jira ardayda Jaamacadda Texas iyo xubnaha katirsan bulshada Muslimiinta ayaa isugu yimid baroordiiq loo sameynayay Nabra Hassanen oo la dilay habeen iyada oo kasoo socta Masjid ay salaad kusoo tukatay. “Ma ahayn gefkaada inaad wadadaa ku jirto; waa innaga kuwa ku dhacay inay bulshada is xushmayn waydo, is jecel kuwaas oo isku taagi kara ...

Read More »

Swamiji – Samata-bixiyaha Shinbiraha!

MUQDISHO – Dhawaan ayaa Buugga Guinness World Record wuxuu Dr. Sri Ganapathy Sachchidananda Swamiji u aqoonsaday hoyga shinbiraha. Ma ahan ururiye kaas oo ku raaxaysta isu keenista haadda xurriyo duulaysa, hayeeshe waa naxariisle samata-bixiya shinbiraha dabargo’aya, dhaawacan ama laga haajiray ee ku nool dunida dacalladeeda. Swamiji, helaha xarunta  Avadhoota Datta Peetham ashram ee ku taalla Mysuru, dalka Hindiya ayaa u ...

Read More »

20 June – Maalinta Caalamiga ee Qaxootiga

Muqdisho (Himilonews) – Duni rabshaduhu ay kumaankun qoysas ah ku qasbaan inay barakacaan maalin walba, hadda waa waqtigii la tusi lahaa sida loo garab istaagi karo. Si tan loo hir-geliyo, hey’adda QM u qaabilsan qaxootiga ayaa bilowday ol’ole loogu magac daray #LaistaagQaxootiga sanadkii 2016 kaas oo dowladaha loogu yeerayo inay dadaalkooda ku daraan wax u qabashada qaxootiyada. Maalinta Caalamiga ee ...

Read More »

La kulan – Gabadha Soomaaliyeed oo Maalinle ula nool Qur’aan Aqriska!

Muqdisho (Himilonetwork) – Nasro Abdiraxman waxay si maalinle ah ula nooshahay Qur’an aqriska xilliyada aysan macduurka ahayn. “Maanta haddaan aqrin waxaan dareemayaa culeys aad u weyn, waxayna noqotay mid ila fudud,” ayay tiri. “Kahor intaan gelin howlahayga xitaa waan arkayaa anigoo aqrinaya.” 9 sano kahor iyada oo ku jirta dugsiga dhexe, Nasro waxay goosatay inay Ramadaan kasta dejiso Qur’anka muddo ...

Read More »

Muslimiinta LA oo Dib-jirta kaalmaynaya!

Muqdisho (Himilonews) – Joogtayna dhaqanka 20-jirsaday ee caawinta dibjirta, boqollaal Muslimiin Los Angeles ayaa isugu yimid kaalmaynta dadka danyarta iyaga oo u qeybiyay cuntooyin bisil. “Waxaan nahay Muslimiin, American, Angelenos, tusaale wanaagsan ayaan u nahay diinteenna Islaamka,” Umar Hakim, oo ah hoggaanka ILM Foundation ayaa yiri. Maalinta Caalamiga ee Aadannimada 18-ka June ayaa lagu beegay waxaana loogu tala-galay gargaarista danyarta magaalada. Dhar, cunto, ...

Read More »

Lakulan – Milkiilaha deeqsiga ugu fiican dalka Montenegro.

Balkan (Himilonews) – Radomir Novakovic Cakan waa guulayste ganacsade ah oo ku nool Montenegro, kaas oo lagu naanayso ‘Milkiilaha ugu fiican Balkan iyo Aboowe’. Cakan oo leh shirkadda iibisa qalabka isboortiga Cakan Sports ayaa dhawaan u gudbay siyaasadda, wuxuu dhawaantanba sameeyey wararka ugu xiisaha badan dalkiisa. Wuxuu caan ku noqday deeqsinimo uu tusay shaqaalihiisa howlkarka ah iyo xiriirka dhow uu ...

Read More »

Marka uu Qarax dhaco!

Muqdisho (Himilonews) – Waad og tahay in waqtiga aad ku sugan tahay uu yahay mid degan ilaa xad. Waxaadna ku jirtaa howshaada – laga yaabee inaad saaran tahay gaari, ku socto lugahaada ama jiifto. Marka daqiiqaduhu kuu noqdaan maalin adiga oo nabdoon kuguma filna. Ma ahan inaad qadarta ka cararayso ee waa inaad garwaaqsan tahay in nolosha halkan aysan lahayn ...

Read More »

Naafadeenna – Halgamayaal Gargaar u baahan!

Muqdisho (Himilonews) – “Waxaan nahay qeybaha nugul ee bulshada kamid ah oo baahiyaha gaarka ah qaba, waxaana isugu jirnaa naafadii shalay iyo kuwii burburka kadib,” Faalladaas qiirada leh – oo ah dareen maalinle oo ku daabacan qaluubta dadka qaba baahiyada gaarka ah – waxaa inoo tiraabaya Guddoomiyaha Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed, Abdullahi Maxamed Axmed Tima-cadde kadib booqasho aan ugu tagnay; ...

Read More »

Lakulan: Ninka kuleylka Cadceedda ku duba hilib Digaaga!

Thailand (Himilonews) – Sila Sutharat, oo ah digaag-dube ku nool  Phetchaburi, Thailand ayaa la yimid hal-fikir lala dhacay kaas oo uu ku dubo digaaga. Halkii uu ka isticmaali lahaa dhuxul iyo danab, wuxuu adeegsadaa 1,000 dhalooyin moobil ah kuwaas oo sare u qaada heerkulka kuleelka cadceedda kusoo dhacda. Wuxuu asal ahaan ku kariyaa hilibka hal digree ka badan 300 centigrade ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!