crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Gabadha Soomaaliyeed oo Maalinle ula nool Qur’aan Aqriska! | HimiloNetwork

La kulan – Gabadha Soomaaliyeed oo Maalinle ula nool Qur’aan Aqriska!

Muqdisho (Himilonetwork) – Nasro Abdiraxman waxay si maalinle ah ula nooshahay Qur’an aqriska xilliyada aysan macduurka ahayn.
“Maanta haddaan aqrin waxaan dareemayaa culeys aad u weyn, waxayna noqotay mid ila fudud,” ayay tiri. “Kahor intaan gelin howlahayga xitaa waan arkayaa anigoo aqrinaya.”
9 sano kahor iyada oo ku jirta dugsiga dhexe, Nasro waxay goosatay inay Ramadaan kasta dejiso Qur’anka muddo ka badan hal jeer. Berigaasna lama dhacsanayn go’aanka. Waayo ma ahayn mid ay iskeed u qaadatay.
“Aabahay ayaa nagu qasbi jiray aniga iyo walaalladay; mafahmi Karin sababta annagoo Qur’anka dhamaynay naloo yiraahdo Ramadaan kasta dejiya aqriskiisa,” Nasro ayaa dib u gocatay sida waalidkeed ugu cadaadin jireen diinta.
Balse markii ay soo koraysay da’ ahaan ilaa hadda oo ay sey afadiis tahay, go’aankani wuxuu noqday kii ugu fiicnaa nolosheeda. Iminka, masuurayn kasto maalin aysan Qur’an aqrin siday noqonayso.
“Alxm waxaan dareemayaa faa’iido aad u weyn,” ayay kusoo koobtay ereyo aysan ku micnayn Karin sida gurigu ugu yahay ciriiri Qur’anka la’aantiis.
Nasro waa mid kamid ah haweenka ku dhiirraday inay naftooda ku sandulleeyaan fursad in badan sheydaan iyo nafi u saamixi waayeen hanashadeeda. Wax caadi ah ayay iska noqotay in kuwa dugsiga uga soo aflaxa barashada 114 Qur’anka aysan dib u rogin baalashiisa bilooyin is xiga. Gabdhaha u guura marxaladda hooyanimada ayaa dooyaysta cudurdaarka ugu roon. Ku kala jirista marxalado hadba kan kale usii dhiibo, hooyooyin badan waxaa ka qaalib noqda hawo adduun iyo huuwaayda abaydinka ay dhalaan.
Hase ahaatee Nasro ayaa xiri karta albaab kasta oo hooyooyinkani u furan karaan inaysan helin fursad ay Qur’anka ku aqriyaan. Xattaa ka meyrasho dabadeed, waxay dib u qalaysaa maalmihii macduurka.
“Waxaan dib usoo kabaa maalmihii i dhaafay si aan u dhamaystiro dejintayda afarta jeer ee Qur’anka bisha Ramadaan, bilaha kalana waan aqriyaa laakiin waxaa kala duwan hannaanka aan ku meeriyo.”
Hal-aqriskeedu lamid ahan qaab ahaan sida in badan u dejiyaan Qur’anka. Waxa ay isla aragtay inay ku gabagabayn karto mashruuca bileed ee aqriska hal dejis ka badan hab ka duwan kuwa kale.
“Tusaale ahaan, hadda wuxuu Ramadaanku dhashay Sabti anigase al-Baqro kama soo bilaabin ee waxaan kala kowsaday Jallaadka koobaad – Suuratul Nisaa bartamaheeda,” ayay tiri. “Waxa ugu weyn waa inaan 7 jallaad ku dejiyo 7 maalin.”
Mana ku ahan kali aqriskiisa. Waxaa jira dumar kale oo isugu jira xaas iyo inamo oo ay marar waddo kale iskula meeriyaan Qur’anka.
“Gabdho la qabo iyo inamo kale ayaan marar isla subcinaa; waxaana sidoo kale ku ducaysanayaa gunaanadka.”
Dadaal dheer kaddib, hadda waa sida Qur’an soconaya. Waxayna weheshanaysaa macaanidiisa.
“Alxm hadda waan xifdisanahay in badan,” ayay ku faantay Nasro iyada oo is-dul-dhigaysa.
Farriinteedu waa in kuwa aan sideeda oo kale u aqrin Qur’anka, ay wax ku bartaan waaya’aragnimadeeda. Inay wax ku qaataan haween badan tusaalaha qurxoon ee Nasro, waxay dhalinaysaa inaan dib looga haajirin kitaabka Alle ama uusan ka noqon shinbir fara ka baxday.
“Naftu waaa sida aad barto,” ayay ku iba-furatay waanadeeda. “Haddii aad go’aansato waad ka badali kartaa jidkaas. Waadna u doori kartaa midka adduun iyo aakhiro ku anfici kara. Ha qaadan midda adag oo ah inaad doonisteeda yeesho. Qaado midda aysan ku qancin aqbalkeeda. Waagu marku baryo iyo kolka cawaysku galo labadaba howluhu kuguma wada furna. Waxaad heli kartaa fursad aad ku aqriso.”
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com
———–
Fiiro gaar ah: Sawirka kuu muuqda kama dhigna qofka laga hadlayo. Waa xul lagala soo baxay Google.so.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!