crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 20 June – Maalinta Caalamiga ee Qaxootiga | HimiloNetwork

20 June – Maalinta Caalamiga ee Qaxootiga

Muqdisho (Himilonews) – Duni rabshaduhu ay kumaankun qoysas ah ku qasbaan inay barakacaan maalin walba, hadda waa waqtigii la tusi lahaa sida loo garab istaagi karo.
Si tan loo hir-geliyo, hey’adda QM u qaabilsan qaxootiga ayaa bilowday ol’ole loogu magac daray #LaistaagQaxootiga sanadkii 2016 kaas oo dowladaha loogu yeerayo inay dadaalkooda ku daraan wax u qabashada qaxootiyada.
Maalinta Caalamiga ee Qaxootiga, oo la qabto 20 June sanad walba, waxaa la iskugu yeeraa xoojinta, dhiirri-gelinta iyo kaalmaynta malaayiinta qaxooti ee dunida ku baahsan.
Sanadkan, waxay Maalintan astaysay fure muhiim ah oo dadweynuhu taageero ugu muujiyaan qoysaska qaxootiga ah.
Qarnigii waa kii ugu xumaa ee qaxootiga aduunka soo mara. In ka badan 65 milyan oo qofka ayay QM ku qiyaastay inay yihiin qaxooti qasab looga soo barakiciyay dhulkoodii.
30% qaxootiga adduunka waxay kasoo haajireen dagaallo, rabshado iyo cadaadiska lagu hayo.
Dhibanaha ugu tiro badan ee ku jira waa carruurta. In ka badan kala bar qaxootigu waxay ka hooseeyaan da’da 18-jirka.
Dagaalku waa sababta ugu weyn. Kala bar qaxootiga waxay ka yimaadeen dalalka ay dagaalladu la dageen ee Siiriya, Afghanistan iyo Soomaaliya, sida QM sheegtay.
Qaar kale ayaa kasoo cararay macluul iyo rabshado lagu hayay. Muslimiinta Burma oo ku dhow laba milyan ayaa qalalaasaha ay ku wadaan Buudiska ka tirada badan waxay ku qaaday inay ku barakacaan meel Alle meesha ay badbaado ku heli karaan.
Qaar kale ayaa safar adag usoo gala tiigsiga meel ka nolol fiican dhulkooda. Waxayna taasi gelisaa halis hor leh oo ay ku dhiman karaan.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!