crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Swamiji – Samata-bixiyaha Shinbiraha! | HimiloNetwork

Swamiji – Samata-bixiyaha Shinbiraha!

MUQDISHO – Dhawaan ayaa Buugga Guinness World Record wuxuu Dr. Sri Ganapathy Sachchidananda Swamiji u aqoonsaday hoyga shinbiraha. Ma ahan ururiye kaas oo ku raaxaysta isu keenista haadda xurriyo duulaysa, hayeeshe waa naxariisle samata-bixiya shinbiraha dabargo’aya, dhaawacan ama laga haajiray ee ku nool dunida dacalladeeda.
Swamiji, helaha xarunta  Avadhoota Datta Peetham ashram ee ku taalla Mysuru, dalka Hindiya ayaa u naxariis nuglaa shinbiraha muddo dheer taniyo intuu xusuusan karo. Isaga oo kusoo koray degmada Mekedattu, ee jiifta jinka webiga Cauvery, wuxuu xusuustaa ku bixinta waqtigiisii badnaa daawashada shinbiraha kala jaadka ah marka ay rabaan inay gabaad ka dhigtaan geed ku yaalla duleedka aqalkiisa. Hayeeshe waxay ahayd shil dhacay sanadkii 2011 kaas oo ka dhigay inuu fahmo ujeedkiisa nolosha – badbaadinta haadda dabargo’aysa iyo kuwa laga haajiray inta uu ka haleeli karo. Wuxuuna keynta Mysuru uga dhisay kadin cabbirkiisu yahay 21-acre.
Lix sano kahor, xilli uu booqanayay biya-dhaca ugu dheer dunida ee Angel Fall, dalka Venezuela wuxuu lumiyay tallaabada isaga oo ka dhacay haadaan dhirir la eg 100-foot, wuuna miyir-daboolmay.   Kolkii uu soo miyirsaday, Sri Swamiji  wuxuu arkay isaga oo ay ku hareeraysan yihiin shinbiro Amazonian ah, wuxuuna sheegay inuu u riyaaqay quruxdooda. Waana taas sababtii uu ugu dhisay hoy lagu xanaaneeyo tarantooda.
Maanta xaruntiisu waxay hoy u tahay shinbiro ku dhow 1,500 oo isugu jira 468 unug-dhamayso oo haaduhu u kala baxaan.
Dr. Sri Ganapathy Sachchidananda Swamiji iyo shaqaalihiisa gaaraya 50-ka qofood, waxay badi waqtigooda ku bixiyaan quudinta, daweynta iyo sidoo kale u tababarista habka ugu fiican oo ay ula qabsan karaan booqdayaasha.
Hayeeshe marka laga yimaado nuucyada shinbiraha dabargo’a ku jira, Shka Vana waxay sidoo kale nagaadi u tahay kuwa dhaawacan iyo inta laga haajiray. Waxaana loo fidiyaa daryeel caafimaad.
Sri Swamiji wuxuu rumeysan yahay in shinbiruhu ay yihiin laf-dhabarta jiritaan ee aadanaha. Wuxuuna ugu yeeraa dadka inay si habboon ula dhaqmaan.
Sheekadiisa cajiibka ah waxay ina xusuusinaysaa nin kale oo Hindiyan ah kaas oo waqtigiisa u hibeeyey xanaanaynta shinbiraha laguna magacaabo – the Birdman of Chennai.
63-jirkan ayaa maalin kasta quudiya haad gaaraysa 4,000.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!